Diyaarad ay leeyihiin Militariga Uganda oo ku burburtay Muqdisho

Diyaaraddan oo nooceedu uu ahaa helicopter ayaa Arbacadan ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan ayaa waxaa iska lahaa Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (AUSSOM), waxayna ka timid Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka hor inta aysan ku burburin Garoonka Aadan Cadde.

Taliska Hawlgalka AUSSOM ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay la socdeen sideed qof, saddex ka mid ahna loo qaaday isbitaalka, isla-markaana uu socdo gurmadka baadigoobka xubnihii kale ee saarnaa.

Hase yeeshee dib ayaa laga ogaaday inay dhinteen shantaasi qof, waxaana geeridooda ka tacsiyeeyay Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Gudoomiyaha ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku muujiyay, sida uu uga xun yahay khasaaraha naxdinta leh ee shilka ka soo gaaray sida uu yiri shan ka mid ah Hawlgalka Midowga Afrika.

Gudoomiyaha ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen xubnahaasi, shacabka iyo Dowladda Uganda, isagoona caafimaad u rajeeyay kuwii kale ee ku dhaawacmay shilkaasi.

Ma cadda sababta keentay burburka diyaaradda, waxayse shilka la kulantay, xilli ay isku dayeysay in ay ka degato garoonkaasi.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay waddo baaritaano ku aaddan, waxa sababay shilka diyaaradda.