Diyaargarowgii ugu dambeeyay ciidamada oo ka jira Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ciidamada uu ka socdo magaaladaasi.
Dhaqdhaqaaq iyo abaabul uu heerkiis sarreyo ayaa laga dareemaya xeryaha ciidamada ee ku yaala duleedyada magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Militariga ay si joogto ah u kormeerayaan fariisimaha iyo xeryaha ciidamada. Saraakiisha ayaa la sheegaya inay ciidamada u dhameystireen saadka iyo sahayda.
Dhuusamareeb ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay lagu diyaarinayay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee ka qayb qaadanaya wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Sidoo kale odayaasha qabaa'ilada iyo haldoorka kale ee bulshada ayay kulamo joogto ahi uga soconayaan hoteelada magaalada, kaas oo la xiriira u diyaargarowga hawlgalka ballaaran ee ku wajahan dhulka ay Shabaabka baaqiga uga yihiin deegaanada Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii tobanaad ku sugan Dhuusamareeb ayaa gacan ka gaysanaya abaabulka iyo diyaargarowga ciidan ee lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha oo Axaddii shalay oo ugu dambeysay magaalada kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug ayaa ku adkeeyay inay ka soo dhalaalaan doorkooda ku aaddan hawlgalkan Shabaabka lagaga sifeynayo Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiirigelin in ku filan ah u noqday dadka reer Galmudug, kuwaa oo haatan diyaar u ah in ay iska dulqaadaan Shabaabka.
Reer Galmudug ayaa waxa ay muujinayaan, sida ay uga go'an tahay in ay ka faa'iideystaan fursaddan ay maanta haystaan.
Ciidamada ayaa la filayaa inay dhowr jiho ka weeraraan Magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada kale ee hoostagga magaalooyinkaasi, oo maleeshiyada Shabaabku ay muddo dheer ka arriminayeen.
Ciidamadan ayaa waxay wada hawlgelayaan ciidamada kale ee lagu wado in ay kooxaha argagixisada ka saaraan deegaanada ay kaga harsan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.
Qorshaha Villa Somalia iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ah in muddo kooban lagu soo afjaro Shabaabka Galmudug.
Villa Somalia ayaa u muuqato inay muruq iyo maal badan ku bixineyso, sidii xididada loogu siibi lahaa Shabaabka Gobolada Dhexe.
Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii ugu ballaarnaa, ee ay iska kaashadaan Dowladda Federaalka iyo hoggaanka reer Galmudug.


