Doorashada Golaha Deegaanka ee Dowlad Goboleedyada oo la sheegay in bisha April la qaban doono

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray daabacaadda kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Dowlad Goboleedyada, isagoo dhinaca kalena sheegay inay doorashadaasi qaban doonaan bisha April.
Gudoomiyaha ayaa shir jaraa'id ka sheegay in kaarka hadda la daabacayo uu khuseeyo dadka ku dhaqan 21 degmo oo ka tirsan Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari. Wuxuu sheegay in la soo geba-gabeeyay diiwaangelintii laga sameynayay degmooyinkaasi ee dadka ka qaybgelaya Doorashada Golaha Deegaanka.
"Waxaan guda geli doonnaa wejigii labaad ee Golaha Deegaanka ee Dowlad Goboleedyada ka tirsan Dowladda Federaalka." Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo intaasi ku daray in 12 degmo oo hor leh oo ka tirsan afartaasi maamul ay dhawaan ka bilaabi doonaan diiwaangelinta dadka ku nool, kuwaas oo uu sheegay in dib laga siin doono kaarka codeynta, ka dib marka la dhameystiro diiwaangelintooda.
"Waxaa dhinac socon doona inaan dib u furi doono diiwaangelinta Magaalooyinka Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb, oo aan bilaabi doono dadka inaan dib u diiwaangelino, maadaama nambarku, markii hore uu yaraa." Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa xusay in illaa 35 degmo oo Degmooyinka Dowlad Goboleedyada ah ay bisha April ka qaban doonaan Doorashada Golaha Deegaanka.
"Ugu dambayn bisha April waxaa la bilaabi doonnaa in la guda galo maalintii codeynta iyo Doorashooyinkii Dowlad Goboleedyada ee Golaha Deegaanka." Ayuu yiri Cabdikariin Axmed Xasan, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Puntland iyo Jubbaland ayaan qayb ka ahayn Dowlad Goboleedyada ay Dowladda Federaalka ka qabaneyso doorashada tooska ah.
Villa Somalia ayaa weli ku foogan siyaasaddeeda ay dalka ku gaarsiineyso doorashada qofka iyo codka, xilli mucaaradku ay si weyn uga soo horjeedaan habka ay u maamuleyso doorashooyinka dalka.


