Doorashada oo si habsami leh uga socoto Magaalada Muqdisho
Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa weli si habsami leh uga socoto Magaalada Muqdisho, iyadoo aan illaa iyo hadda la soo sheegin falal amni darro oo liddi ku ah doorashadan tooska ah ee ka dhaceysa caasimadda.
Dadweynaha codkooda dhiibanaya ayaa isku bedbedelaya goobaha codbixinta ee 16-ka degmo oo gaaraya 523 goobood.
Dadka codeynaya ayaa isugu jira dhallinyaro, haween iyo dad da' ah. Wariyeyaasha oo ku sugan goobaha codbixinta ayaana si toos ah u soo tebinaya doorashadaasi.
Goobaha codbixinta oo la furay 6-dii subaxnimo ayaa lagu wadaa in la soo xiro 6-da maqribnimo, waana doorasho loogu talagalay inay hal maalin ku qabsoomto.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu codkiisa dhiibtay, halka Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre uu booqday goobaha qaar ee codbixinta, si uu dadka ugu dhiirigeliyo in kuwooda harsan ay doorashada u soo baxaan.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Saraakiisha Booliska ayaa kormeer ku maraya goobaha codbixinta ee degmooyinka ay doorashadu ka socoto.
Ciidamo tiradooda lagu sheegay toban kun oo askari ayaa si gaar ah u sugaya amniga magaalada, waxaana maanta xiran kontoroolada laga soo galo Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo wax dhaqdhaqaaq ah aanu maanta ka jirin.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in doorashadu ay si fiican ku bilaabatay, isla-markaana ay rajeynayaan inay si wanaagsan ugu soo dhammaato.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed ayaa dadka reer Muqdisho ee kaarka haysta, balse aan weli codayn ku booriyay inay codeeyaan saacadaha ka harsan waqtiga doorashada.
"Waxaan shacbiga u sheegaynaa in amniga Magaalada Muqdisho la isku halayn karo boqolkiiba boqol." Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.
Gudoomiyaha oo Warbaahinta ka soo muuqday ayaa yiri "Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa safafka dhaadheer ee saakay ay u soo galeen inay codkooda dhiibtaan. Dad ka badan shan boqol oo kun oo qof ayaa kaarka ka qaatay Magaalada Muqdisho."
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray "Waxaan leeyahay shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir ee haysta kaarka codeynta walaalayaal soo baxa, imaada oo codkiinna dhiibta, una codeeya ururada aad rabtiin."
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warbaahinta la hadlay, ka dib markii uu codeeyay ayaa yiri “Maanta maalin kale waaye oo taariikh Soomaaliyeed oo cusub. Taariikhdii Somaliya ee soo jireenka ahayd muddadii dhaweyd oo dhan ayaan u bedelnay dhinaca kale.”
Doorashadan qofka iyo codka ah ayaa loogu gogol xaarayaa doorashooyinka guud ee dalka, waana middii ugu horreysay ee nooceeda ah ee muddo nus qarni ka badan ka dhacda dalka.



















