Doorka ciidamada shisheeye ee hawlgalka Galmudug

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa ka hadlay doorka ciidamada shisheeye ku leeyihiin hawlgalka militari ee ka socdo deegaanada maamulkaasi.
Ciidamada ka ruqaansaday Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, dhanka waqooyina kaga sii siqaya Magaalada Ceelbuur ayaa la arkayay, iyagoo ay la socdaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS, goobo kalena waxaa lagu arkayay Saraakiisha Mareykanka oo ciidamada ku kormeeraya furimaha dagaalka.
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in hawlgalkan ay iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee la abaabulay, balse kuwa shisheeye ay ku leeyihiin wa xoogaa kaalmo ah.
Waxa uu sheegay in doorka Ciidamada Mareykanka ee dalka ku sugan uu yahay in ay ciidamada ka taageerayaan weerarada dhinaca cirka.
"Doorka Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin keliya waa duqaynta ay ciidamada ku caawinayaan." Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa yiri "Dhinaca Wabxo oo kale Ciidamada Itoobiya miinooyinka iyo saaristooda ayay naga caawinayeen, sida kale hawlgalka waxaa iska kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka."
Dhanka kale Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in Gobolka Galgaduud uu ka socdo guluf ballaaran oo la doonayo in ciidamada ay maleeshiyada Al Shabaab kaga saaraan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.
Waxa uu sheegay in ciidamadu ay hadda saddex jiho kaga sii socdaan Magaalada Ceelbuur, mar dhowna ay ka saari doonaan maleeshiyada Shabaabka.
"Hawlgalku si guud waa bilowday, shaqaduna waa socotaa, haddii Alle idmo dhammaantood bar kulankoodu waa Ceelbuur inay halmar isugu yimaadaan, oo si ballaaran la isugu xiro Dhuusamareeb, Wabxo illaa Ceelbuur, lagana wada sifeeyo Shabaab ayuu qorshuhu yahay." Ayuu yiri Wasiir Gaboobe.
Gaboobe ayaa sheegaya in ciidamadu ay si taxadar leh ugu socdaan wadooyinka goobaha ay la wareegayaan, isla-markaana aanay jirin iska caabin buuran oo Shabaabka ay kala kulmayaan.
Waxa uu intaasi ku daray in Shabaabku ay isaga baxayaan goob kasta oo ciidamadu ay gaaraan, waxa ugu weyn ay ku dagaalamayaana uu yahay miinooyinka ay waddooyinka ku aasayaan, taasna ay ciidamadu ka feejigan yihiin.
"Qorshahoodu maaha inay ciidamada wajahaan iyo inay la dagaalamaan keliya waa inay miinooyin u dhigaan ciidamada, oo miinadaas inay ciidanka ku dhibaateeyaan mooyee inay si toos ah uga horyimaadaan waa adag tahay." Ayuu yiri Gaboobe.
Gaboobe ayaa intaasi raaciyay "Waxyaabaha hawlgalka dib u dhigaya oo waqtiga dheereynaya waxaa ka mid ah miinooyinkaas oo laga taxadarayo ciidamadu ay iska wareejinayaan, miino baarisyadooda inta howsha la geliyo, ka dibna ciidanka la soo gelinayo. Marka si miyir qabto oo taxadar leh ayaa hawlgalku u socdaa dhinac kasta. Nimankan difaacooda koowaad ay isku haleynayaan ayaa wuxuu yahay miinooyinkaas, ciidankuna waa ka feejigan yahay."
Ciidamada oo raacaya qorshaha dagaal ee loo dejiyay ayaa taako taako u xaqiijinaya amniga goobaha laga saarayo Al Shabaab, waana hawlgal sifeyn ah oo la damacsan yahay in Shabaabka looga suuliyo deegaanada Galmudug.


