Dowladaha Somaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis dhanka difaaca iyo amniga
Dowladaha Somaliya iyo Masar ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub oo iskaashiga difaaca iyo amniga ah, maalin uun ka dib, markii ay natiijo la'aan ku soo dhammaatay wada hadaladii Somaliya iyo Itoobiya uga socday dalka Turkiga ee la doonayay in lagu soo afjaro khilaafkii labada dal ee ka dhashay heshiiskii is afgaradka badda ee ay Itoobiya la gaartay Somaliland.
Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi, iyadoona ay kulanka ku wehlinayeen Wasiiro ka kala tirsan labada dhinac, kuwaas oo qayb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiiskan.
Wasiirada Gaashaandhigga Somaliya, Cabdilqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo kan Masar General Abdel Mageed Saqr ayaa qalinka ku duugay heshiiska ay gaareen labada dowladood.
"Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhaxeeya Somaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabaha u xaari doonnaa iskaashi dhow, oo ay yeelan doonaan Wasaaradaha Difaaca & Amniga ee labada dal, waxaana lagu ballamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Somaliya.
Labada Madaxweyne ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada waddan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saamayn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda."
Labada dal ayaa wadaagga xiisad siyaasadeed oo kala dhaxeysa Itoobiya. Xiisadda Somaliya iyo Itoobiya ayaa meeshii ugu sarreysay gaartay, ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay 1-dii bishii January gaareen Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo Itoobiya u ogolanayay in laga kireeyo 20km oo marin badeed ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah, oo aan dhaqangeli doonin.