Dowladda Federaalka oo aan weli ku guuleysan inay maareyso xaaladda amni ee Baydhabo

Dowladda Federaalka ayaan illaa iyo hadda ku guuleysan inay gacan bir ah ku qabato amniga Magaalada Baydhabo, inkastoo laamaha ammaanka ay qaadeen talloobooyin lagu xasillinayo nabadgelyada magaalada.

Magaalada ayaa waxaa ku soo badanaya falalka amni darrada ee ka dhacaya, iyadoona dadku ay dareemeen koror amni darro, wixii ka dambeeyay markii Ciidamada Militariga ay 30-kii bishii March la wareegeen gacan ku haynta magaaladaasi, awooddana laga tuuray Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Dalalka reer Baydhabo ayaa walaac ka muujiyay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada oo aan cidina loo ciqaabin iyo falalka dhaca ee ku soo badanaya magaaladaasi, iyadoo mararka qaar sida la sheegay rag ku labisan dareyska ciidamada ay dhac ka gaystaan goobaha ganacsiga iyo in xilliyada habeenkii ay shacabka ku baartaan waddooyinka iyo xaafadaha magaalada.

Cali Aadan Isaaq oo ka mid ah dhallinyarada ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ciidamada oo aan ku ekayn xeryahooda ay aaminsan yihiin inay ku lug leeyihiin dhacdooyinka ka dhacaya magaaladaasi.

"Waad aragteen shacabka waxay isugu soo baxeen waddooyinka, si ay ciidamada u soo dhaweeyaan, waxayna taageereen is bedelkii ka dhacay magaalada, laakiin maxay ka faa'iideen, taas waaye waxa hadda laga hadlayo. Xilligii Cabdicasiis Laftagareen way jirtay caburin lagu sameynayay siyaasiyiinta, laakiin shacabka magaalada ku nool waxay maamulkaas ku qabeen amni buuxa, nin kasta oo nin dilana waa la tooganayay, isla maalinta uu dilka gaysto ama maalinta ku xigto. Dadka illaa iyo hadda lagu dilay Magaalada Baydhabo ma aragteen hal qof oo loo xukumay." Ayuu yiri Cali Aadan oo la hadlay Universaltv.

Maxamed Mursal Mukhtaar oo isna ka mid ah dhallinta reer Baydhabo ayaa inoo sheegay in magaalada si joogta ah looga maqlo rasaaas, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay amni darrada ku soo korortay magaalada.

Ku dhawaad afar toddobaad oo Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku sugan yihiin magaalada ayaa waxaa lagu dilay tiro dad ah. Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) oo mar sii horreysay ka hadlayay shir amniga magaalada ku saabsanaa ayaa qiray in ay jiraan dad lagu dilay magaalada, waxaase uu sheegay in laamaha amniga ay u soo qabteen dad, kuwaas oo uu sheegay in la maxkamadayn doono.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa 5-tii bishan soo saaray awaamiir hubka looga mamnuucayo inay ciidamada ku dhex qaataan magaalada, walow aanu si sax ah u dhaqangelin.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Baay, Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo Talaadadii shir jaraa'id ku qabtay Baydhabo ayaa ku dhawaaqay inaanan hubka culus lagu dhex qaadan karin magaalada, isagoona sheegay in ciidamada amniga oo keliya la ogol yahay inay hubka ku dhex qaadan karaan magaalada, wuxuuna Ciidanka Xoogga Dalka ugu yeeray inay u hoggaansamaan awaamiirta laamaha amniga.

Taliyaha ayaa carabka ku adkeeyay inaanan la ogolaan doonin in cid aan ahayn ciidamada amniga ay hubka ku dhex qaadato gudaha magaalada, waxa uuna xusay dadka aan dareyska ciidamada wadan inaysan xitaa hubka fudud ku dhex qaadan karin magaalada.

Doodisho ayaa laamaha amniga faray in cid oo aan ku shaqo lahayn amniga magaalada ay ka hortaggaan hubka ay ku dhex qaadanayaan magaaladaasi.

"Waxaan gaarsiinaynaa hay'adaha ammaanka ee magaaladan ka shaqeeya inay faritaan cad u haystaan inaan hubkaas magaalada lagu isticmaali karin." Ayuu yiri Doodisho.

Tani ayaa imaneysa, iyadoo Talaadada lagu wado in doorashada tooska ah ay ka qabsoomto saddexda gobol ee Koonfur Galbeed, iyadoo Baydhabo ay tahay mid ka mid ah 12 magaalo oo Koonfur Galbeed ah oo laga qabanayo doorashada qof iyo cod.

Baydhabo ayaa ah magaalada codbixiyeyaasha ugu badan laga diiwaangeliyay, waana magaalada ugu weyn ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.