Dowladda Federaalka oo Baydhabo gaynaysa ciidamo ka qayb qaata hawlgal laga bilaabayo

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu abaabulayo ciidamo cusub oo la filayo in la geeyo Magaalada Baydhabo, si ay uga qayb qaataan hawlgal lagu la dagaalamayo ciidamada u daacadda ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in go'aankan uu ka dhashay, ka dib wada hadal ay xalay khadka telefoonka ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka faray in loo dhaqaaqo hawlgal dabka looga fogeynayo, laguna xasillinayo Baydhabo.
Aadan Maadoobe ayaa la aaminsan yahay in uu walaac xoog leh ku hayo joogitaanka ciidamada diidan jiritaanka maamulkiisa ee sida firfircoon u jooga hareeraha magaalada uu ku shaqeeyo.
Aadan Madoobe ayaa la sheegaya in uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda u sheegay in mucaaradka uu Laftagareen hoggaamiyo aysan diyaar u ahayn wada hadal iyo heshiis siyaasadeed, si loo joojiyo weerarada ay ciidamada taageersan iyo Al Shabaab ku hayaan Baydhabo, isla-markaana ay lagama maarmaan tahay in loogu tago barraha ay iska soo abaabulaan.
Aadan Madoobe oo 22-kii bishii August shir jaraa'id ku qabtay Madaxtooyada Baydhabo ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in saraakiil dhan oo horey uga tirsanaa dowladda ay maanta iskaashi la leeyihiin maleeshiyada Al Shabaab, wuxuuna askarta iyo dhallinyarada u dagaalameysa Laftagareen ugu baaqay inay dadkooda u soo laabtaan, haddii ay ka dhega-adeygaana in dantu keeni doonto in lagu weeraro meelaha ay joogaan.
War 31-kii bishii August ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa garabka mucaaradka hubeysan ee Laftagareen loogu baaqay in wada hadal iyo is faham lagu dhameeyo wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay.
Ciidamada mucaaradka ayaa Khamiistii oo 3-da September ku beegneyd weerar xoogan ku ekeeyay Magaalada Baydhabo, inkastoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Maamulka Aadan Madoobe ay ka hortaggeen inay si qoto dheer isugu soo fidiyaan gudaha magaalada.
Weerarkan ayaa loo fasirtay in Laftagareen, Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ku aragtida ah ay xalka u arkaan waddo aan wada hadal ahayn.
Si kastaba ha-ahaatee cutubyada ciidamada ee loo wado Baydhabo ayuu qorshuhu yahay in kuwii horey fariisimaha ugu lahaa bannaanada magaalada ay iska kaashadaan hawlgal ay dagaalka uga fogeynayaan magaaladaasi.


