Dowladda Federaalka oo cambaareysay Doorashada Koonfur Galbeed

Dowladda Federaalka ayaa gebi ahaanba diiday natiijada doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ee mar kale lagu soo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Guddoonka Baarlamaanka ee maamulkaasi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu cambaareeyay, waxa lagu sheegay is doorashada sharci darrada ah ee maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in habraac lagu soo afjaray muddo 24 saac ah, kana fog hufnaan, tartan xor ah iyo sharciyad aan loo aqoonsan karin doorasho waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowladnimada dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-

Dowladda Federaalka Somaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is doorashada sharci darrada ah ee maanta lagu qabtay Magaalada Baydhaba, taas oo dhab ahaan fal sharci darro ah iyo is magacaabid hore loo sii qorsheeyey, kana hor imaanaya dhammaan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, xeerarka doorashada iyo dastuurka dalka, isla-markaana aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed.

Waxa si cad u muuqata in waxa dhacay aanu ahayn doorasho xalaal ah, balse ay tahay isku day qaawan oo lagu marin-habaabinayo hannaanka dimoqraadiyadeed, laguna meel-marinaayo natiijo hore loo sii go’aamiyay. Habraac 24 saacadood gudahood lagu soo afjaray, oo ka fog hufnaan, tartan xor ah iyo sharciyad, looma aqoonsan karo doorasho waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

Tallaabadan sharci darrada ah waxay si toos ah uga hor imaanaysaa mabaadi’da sharciyeed ee hagaya geeddi-socodka dowlad dhiska dalka. Sidoo kale, waxay sii xoojineysaa tabashooyinkii muddada dheer ka jiray Koonfur Galbeed, waxayna dhaawaceysaa dadaalada, dib-u-heshiisiinta iyo dimoqraadiyeynta dalka.

Dowladda Federaalka Somaliya waxay caddeyneysaa in aan la aqbali karin hannaan kasta oo sharci darro, qasab iyo musuq siyaasadeed ku saleysan, laguna daboolay magac doorasho.

Hoggaan sharciyaddiisu sugan tahay waxa keliya oo uu ka iman karaa rabitaanka shacabka oo lagu muujiyo hannaan xor ah, hufan, xalaal ah, loona wada siman yahay.

Dowladda Federaalka Somaliya waxay mar kale adkeynaysaa, sida ay uga go’an tahay difaaca dastuurka, ilaalinta nidaamka federaalka,iyo hirgelinta doorashooyin xor, xalaal, hufan, kana tarjumaya rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.