Dowladda Federaalka oo ciidamo hor leh u direyso Magaalada Baydhabo

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo abaabul lagu diyaarinayo ciidamo cusub, oo qorshuhu yahay inay Dowladda Federaalka u daabusho Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Saraakiisha Hoggaanka & Howlgelinta ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku lug leh diyaarinta ciidamada loo wado magaaladaasi, iyadoo la fulinayo amarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Jimcihii amar ku bixiyay in wax laga qabto xaaladda amni ee Baydhabo iyo in loo diro ciidamada diyaarka ah.
Magaalada ayaa waxaa bannaanadeeda weeraro ka gaysanaya ciidamo taageersan Madaxweynihii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee xukunka laga tuuray 30-kii bishii March ee sanadkan.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa 30-kii March la wareegay gacan ku haynta Magaalada Baydhabo, iyadoona isla maalintaasi uu Laftagareen isaga tegey Madaxtooyadii uu ku shaqeynayay.
Ciidamo isugu jira Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, isla-markaana ka biyo diidan tallaabada ay Dowladda Federaalka awoodda uga tuurtay Laftagareen ayaa weeraro ku haya kontoroolada laga soo galo magaalada ee ay Ciidanka Xoogga Dalka ka ilaaliyaan amnigeeda.
Weerarada ay ciidamadan gaysanayaan ayaa cabsi iyo xiisad amni ka huriyay magaalada, taasoo sidoo kalena saameynaysa Madaxda Dowladda Federaalka oo lagu eedeynayo in siyaasaddooda is bedelka Hoggaanka Koonfur Galbeed ay dhibaato oo qura u keentay dadka deegaanka.
Bulshada ku dhaqan Baydhabo ayaa waxay diidan yihiin weerarada jabhadaynta ee soo kordhay, sababtuna waa inay keliya gelinayaan xaalad ciriiri ah.
Saraakiisha Militariga Somaliya ee ku sugan Magaalada Baydhabo iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa ku foogan istiraatiijiyad khatarta looga fogeynayo magaaladaasi.
Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa damacsan in ciidamadu ay duleedyada Baydhabo ka bilaabaan hawlgal lagu la dagaalamayo ciidamada taabacsan Laftagareen.
Weerarada magaalada lagaga soo qaadayo dibadda ayaa xumeynaya muuqaalka magaaladaasi, dad badanina ay u arki karaan mid aan lagu qaban karin Doorashada Hoggaanka Koonfur Galbeed, waana waxa ay Madaxda Dowladda Federaalka doonayaan in laga hortago.
Doorashada Koonfur Galbeed ayaa macno siyaasadeed u leh Villa Somalia, waana waddadii ay ku gaari lahayd doorashooyinka kale ee lagu wado in laga qabto Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.


