Dowladda Federaalka oo ciidamo isku dhaf ah u adeegsaneysa amniga Muqdisho

Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaa ciidamo isku dhafan u adeegsanaya sugidda amniga ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay dadku ka hadlayaan in uu dhamaaday muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi uu amar ku bixiyay in la sii laba jibaaro dadaalada lagu adkeynayo ammaanka caasimadda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaya Booliska Gaarka ah ee Haramcad, RRT, Galeyr iyo Polizia Militare ay si wadajir ah uga hawlgelayaan barraha amniga ee magaalada iyo kontoroolada laga soo galo Muqdisho ee ku yaala bannaanada magaalada.

Saraakiisha Saldhigyada Booliska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo fulinaya amarka Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa ciidamada ku adkeynaya in gaadiidka imanaya magaalada ay mariyaan habraaca amniga, taas oo looga gol leeyahay in lagaga hortago falalka liddiga ku ah amniga.

Dhanka kale Ciidanka Hay'adda NISA, Xoogaga Gaashaan ee Alpha Group iyo cutubyo ka tirsan Guutada 77 ee Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ayaa iyaguna u diyaarsan in ay ka jawaabaan xaaladaha degdegga ah ee aan lagu sii talagelin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeen hore sheegay in ay haystaan toban kun oo askari, oo sida uu sheegay diyaar u ah hawlgalada xasaasiga ah. Madaxweynaha ayaa muujiyay inay ciidamadan yihiin kuwii sugayay amniga Doorashadii Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Muqdisho laga qabtay 25-kii bishii December.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isha ku haysa dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay magaalada ka samayn karaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ee fagaareyaasha ka sheegaya in uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee Hay'adaha Dowladda Federaalka.

Mucaaradka ayaa waxay ka soo horjeedaan muddo kororsiga uu Madaxweynuhu sameynayo, iyagoo aan aqoonsaneyn Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ee la qabya-tiray 4-tii bishii March. Dastuurka cusub ayaa qeexaya in muddo xileedka sharciga ah ee hay'adaha ugu sarreya uu yahay shan sano.

Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin dastuurka keliya ee sharciyadda leh inuu yahay midkii lagu heshiiyay, lana ansixiyay sanadkii 2012, kaas oo lagu dhaariyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka. Dastuurkii KMG ee 2012 ayaa qeexaya in muddo xileedka Baarlamaanka iyo kan Madaxtooyada uu yahay afar sano.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeenkii Jimcaha Magaalada Muqdisho ka sheegay in muddo xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka 11aad uu ku egyahay 15-ka bisha May ee sanadka 2027.

Waa muddo kororsi hal dhinac ah oo aan heshiis lagu ahayn, waxayna tani mucaaradka ku riixi kartaa in ay sameeyaan wax kastoo ay dalka kaga badbaadinayaan firaaq dastuuri ah.

Villa Somalia ayaa waxay u muuqataa in ay u diyaargarowday ka hortagga khatar kasta oo ka dhan ah xasilloonida iyo nabadgelyada Muqdisho.