Dowladda Federaalka oo dalka ka ceyrisay laba nin oo reer Yurub

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa dalka ka ceyrisay laba nin oo ajaaniib ah, ka dib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku soo eedeeyay in ay ku xadgudbeen shuruucda iyo xeerarka dalka.
Labadan nin oo u kala dhashay dalalka Jarmalka iyo Poland ayaa la sheegay in ay ka dhex baxeen anshaxa iyo dhaqanka diblomaasiyadda, taasina ay ka dambeysay tallaabada dalka looga eryay.
"Labadan ruux oo lagu kala magacaabo Jacek Josef Ochman oo u dhashay dalka Poland iyo Ralf Bernhard Gehlig oo u dhashay dalka Jarmalka, waxaa ay ku xadgudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka, iyaga oo ka dhex baxay anshaxa iyo dhaqanka diblomaasiyadeed." Ayay ku warantay Warbaahinta Qaranka.
Tani ayaa noqonayso, markii ugu horreysay oo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dalka anshax xumo uga ceyriso muwaadiniin reer Yurub ah, muddada Madaxweynuhu uu xafiisku joogo oo hal sano ay ku buuxdo.


