Dowladda Federaalka oo gacan siineysa Aadan Madoobe

Dowladda Federaalka ayaa taageero hor leh siineysa Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), tani oo lagu adkeynayo amniga iyo difaaca Magaalada Baydhabo.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa asal ahaan taageero siyaasadeed iyo mid amni la garab joogtay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, laakiin waxa uu markan codsanaya kaalmo dheeraad, si loo xoojiyo xasilloonida iyo difaaca Baydhabo, xilli uu maamulkiisu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo militari oo uga imanaya taageereyaasha Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoona labada dhinac aad mooddo inay ku loolamayaan gacan ku haynta magaaladaasi.
Aadan Maxamed Nuur oo maalmahaanba booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho ayaa Arbacadii la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo warbixin ka siiyay xaaladda guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Aadan Madoobe uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka weydiistay in loo soo diro Saraakiil khibrad leh oo ka caawiya howlaha sugidda amniga iyo in wixii ciidamo ah ee laga maarmi karo in la keeno magaalada, isla-markaana uu Madaxweynuhu ka aqbalay codsigaas.
Aadan Madoobe ayaa xalay Caasimadda Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada Labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale kulanka ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Raysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee Xukuumadda Federaalka, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
"Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo xoojinta dowladnimada. Waxaa kulanka diiradda lagu saaray, sidii si wadajir ah looga shaqayn lahaa horumarka, amniga, xasilloonida iyo danta guud ee shacabka Koonfur Galbeed, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta iyo isku-duubnida masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Aadan Madoobe oo afartii sano ee u dambeysay ku magacawnaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa 10-kii bishii June loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Aadan Madoobe ayaa Muqdisho ka wada shirar siyaasadeed, oo uu ku xaqiijinayo taageero uu salka ugu dhigo maamulka uu hoggaamiyo.
Villa Somalia ayaa weli si dhow ula shaqeynaysa maamulkiisa cusub, si looga horleexiyo caqabadaha horgudban.


