Dowladda Federaalka oo gargaar gaysay Degmada Baardheere
Dowladda Federaalka ayaa waxay bilowday dadaalo ay gurmad ugu direyso shacabka ku dhaqan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ka dib daadadkii is xigxigay ee ku soo rogmaday degmadaasi, oo xaalad bani'aadanimo ay ka dhalatay.
Hay'adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa maanta degmadaasi u dirtay diyaarad sidday dawooyin, horudhacna u ah gargaarka ay dowladdu gaynayso degmadaasi.
Diyaarad kale oo uu la socday Gudoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, isla-markaana sidday raashiin ayaa gelinkii dambe ee maanta ka degatay garoonka degmadaasi.
Gudoomiyaha iyo xubno kale oo safarkaasi ku wehlinaya ayaa qiimeynaya heerka ay gaarsiisan tahay xaaladda bani'aadamo ee ka dhalatay daadadka ku soo rogmaday degmadaasi, oo ka dhashay roobab mahiigaan ahaa oo ka da'ay Baardheere iyo deegaanada ku xeeran.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Jubbaland, Axmed Xasan Cumar ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka iska kaashanayaan gargaarka la gaarsiinayo degmadaasi.
Wasiirka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in daadadku ay burburiyeen goobo badan oo ganacsi, isla-markaana ay qoysas fara-badan ku khasbeen in ay guryahooda isaga barakacaan.
Wasiirka ayaa muujiyay inay garab taagan yihiin dadka ay sida weyn u saameysay masiibada soo laalaabatay ee ka dhacday degmadaasi.
Daadadkan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah, iyadoona ay jiraan kuwo kale oo weli nolol iyo geeri lagu la'yahay.












