Dowladda Federaalka oo ku dhawaaqday in la curyaamiyay dhaqaalihii Shabaab

Dowladda Federaalka ayaa maanta ku dhawaaqday in la curyaamiyay hannaankii maaliyadeed ee Ururka Al Shabaab, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in kala bar la dhimay dhaqaalihii ay heli jireen Shabaabka hubeysan.

"Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan ku dhawaaqno in Dowladda Soomaaliyeed ay ku guuleysatay in hoos loo dhigay kala bar dhaqaalihii ay heli jireen kooxaha Khawaarijta." Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

Waxa kaloo uu yiri "Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in si guud loo curyaamiyay nidaamkii isku xirnaa dhaqaalaha ee ay Khawaarijtu ku samayn jireen." 

Alcadaala oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tani lagu guuleystay, ka dib markii Dowladda Federaalka ay qaadday tallaabooyin lagu kala dhantaalayo dhaqaalaha ay isugu diri jireen teleefanada gacanta iyo weliba bankiyada.

Waxa uu intaasi ku daray in la joojiyay dhaqaalihii ay Shabaabku ka heli jireen badeecdaha ka soo dega dekedaha iyo garoomada dalka.

"Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijtu ka qaadi jirtay badeecaha ka soo dega dekedaha iyo garoomada, oo markii hore ay awood u lahaayeen in ay helaan xogta badeecadaha imaanaya dekedaha ama ka soo degaya garoomada." Ayuu yiri Alcadaala.

Alcadaala ayaa yiri "Sidoo kale waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijtu ay ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado, taasoo ayadana markii hore si sahlan ay u heli jireen ama ay awood u lahaayeen in ay helaan xogta hanti kasta oo la kala iibsado ama la kala wareejiyo."

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegtay in Shabaab ay u wiiqi doonto militari ahaan, feker ahaan weliba dhaqaalo ahaan.