Dowladda Federaalka oo ku guuleysatay inay joojiso mudaaharaadkii Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku guuleysatay inay baajiso oo ay ka hortagto mudaaharaadkii ay Arbacadii ku dhawaaqeen Siyaasiyiinta Mucaaradka inay Sabtidan ka dhigi doonaan Magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya, Shariif Sheekh Axmed oo iclaamiyay mudaaharaad nabadeed ayaa sheegay in lagu diidan yahay sida uu yiri falalka waxashnimada ah iyo dhul boobka ka socda Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka iyo laamaha amniga ayaa qaaday tallaabooyin ay kaga hortagayeen mudaaharaadkan, iyadoo Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir uu ciidamo dul dhigay aagga Garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay ku yaallaan hoteelada ay degan yihiin Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta.

Masuuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa u kabo gashtay, sidii ay u dejin lahaayeen dareenka kacsan ee dadka ku nool Degmada Dayniile ee la doonayay in dhawaan laga saaro guryaha ay degan yihiin, gaar ahaan dhinaca Aargada Dayniile.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa ballanqaad u sameeyay qaar ka mid ah qoysaskii dhawaan laga raray xaafadda Siinaay ee Degmada Warta Nabadda, waxaana loo sheegay in guryahooda ay dib u helayaan amaba ay magdhow heli doonaan.

Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo siyaasiyiin kale oo ku dhow dhow Villa Somalia oo xalay la kulmay Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ugu baaqay in ay ka laabtaan go'aankooda amaba ay xitaa dib u dhigaan bannaanbaxa, inta ay xaaladdu degeyso.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgarteen in 10 maalmood ka dib la qabto mudaaharaad nabadeed, iyadoo cid carqaladeynaysa aanay jirin.

Villa Somalia ayaa qaadday dhammaan tallaabooyinka lagu dejinayo xiisadda ka dhalatay jirdilka ay ciidamadu Arbacadii u gaysteen Sheekh Axmed Siicow Maxamed, oo ah nin culimo ah oo ka cabanayay in si aan sharci ahayn looga xoogay gurigii uu xaqa u lahaa.

Tan iyo markii mudaaharaadka ay ku baaqeen Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa waxaa Muqdisho isku uruursanayay dadkii muddooyinkan ka cabanayay in dhul boobka lagu sameeyay, isla-markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir uu guryahooda burburiyay iyo dad kale oo lagu wargeliyay inay ka guuraan goobaha ay degan yihiin, oo loo sheegay in la burburin doono.

Waxaa kaloo jiray dad aan labadaba ahayn ama ha la abaabulo amaba yaan la abaabulin oo diyaar u ahaa in ay mudaaharaadkan ka qaybgalaan.

Mudaaharaadka la go'aamiyay in la qabto daba-yaaqada toddobaadka hore ee bisha October waa mar ay xaaladdu sidii hore ka degan tahay, haddii waxaan la aqoon aysan soo kordhin.