Dowladda Federaalka oo qaraar adag ka soo saartay dib u doorashadii Axmed Madoobe

Golaha Wasiirada Somaliya oo xalay kulan degdeg ah ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Muqdisho ayaa go'aan adag ka soo saaray doorashadii Isniintii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) dib loogu soo doortay xilka madaxtinimada ee Jubbaland. Golaha ayaana doorashadan ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu go'aamiyay in dacwad lagu soo oogo Madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoona Garyaqaanka Guud ee Qaranka laga dalbaday in dacwad ka dhan ah Madaxweynuhu uu horkeeno Maxkamadda Sare ee Dalka.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa muuqaal uu soo duubay ku faah faahiyay qaraarka uu goluhu ka soo saaaray doorashadaasi.

Afhayeenka ayaa akhriyay qodobo dastuuri ah oo sharci darro ka dhigaya doorashadaasi, qaabka soo xulidda ee Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland iyo weliba dib u doorashada Axmed Madoobe, oo Dastuurka Jubbaland uu ku xusan yahay inaanan Madaxweynaha la dooran karin sida uu yiri wax ka badan laba muddo xileed.

Waxa uu sheegay in goluhu uu isla gartay in doorashadan ay liddi ku tahay Sharci Number 24 ee soo baxay 31-kii bishii March ee sanadkan, kuna saabsanaa wax ka bedelka Cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka KMG ee dhisaya Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Xuduudaha, Xeerka Ururada & Xisbiyada Siyaasadda iyo Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

Sharci Number 24 ayaa qeexaya in marka la sameeyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Xuduudaha ay noqdaan cidda u xilsaaran Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed iyo Maareyntooda, si loo helo doorasho qof iyo cod ah, isla-markaana daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

Farxaan Maxamed Jimcaale, Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ayaa sheegaya in goluhu uu dib u eegis ku sameeyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay 27-kii bishii May ee sanadkii hore ku gaareen Magaalada Muqdisho ee lagu jiheynayay Doorashooyinka Qaranka, lana xiriiray in la mideeyo doorashooyinka, iyadoo markaasi shacabku ay codkooda ku soo dooranayaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.

Afhayeenka ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay soo saareen qaraarkan oo ka kooban saddex qodob.

1: Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Somaliya waxay go'aamiyeen in xubnaha xulan ee Golaha Wakiilada iyo dib is doorashada hoggaamiyihii hore ee Jubbaland ay labaduba yihiin kuwo sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn Qodobka 55aad iyo Qodobka 56aad ee Sharci Number 24 ee soo baxay 31-kii bishii Maarso, 2024, kuna saabsan wax ka bedelka Cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka, isla-markaana aan waafaqsaneyn Xeerka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, Xeerka Ururada & Xisbiyada Siyaasadeed iyo Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

2: Golaha Wasiirada waxay go'aamiyeen in dhammaan tallaabooyinka hoos ku xusan oo loo maray doorashada sharci darrada ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland aysan waafaqsaneyn Sharci Number 24 ee soo baxay 31-kii March, 2024, kuna saabsan wax ka bedelka Cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka.

b) Magacaabista guddiga sharci darrada ah ee doorashooyinka ee uu soo xushay hoggaamiyihii hore ee Jubbaland

t) Hannaanka uu hoggaamiyihii hore ku soo xushay xubnaha, isagoo adeegsanaya isla guddigaasi sharci darrada ah ee doorasho, oo uu isagu soo xushay

j) Is doorashada guddoon baalmarsan sharciga oo uu soo xushay hoggaamiyihii hore ee Jubbaland.

3:Goluhu haddaba waxa uu farayaa Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Somaliya in uu si degdeg ah uga howlgalo horgaynta Maxkamadda Sare ee Dalka dacwad lid ku ah dhammaan tallaabooyinka aan waafaqsaneyn Xeerka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Xuduudaha, Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Xeerka Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee uu ku kacay hoggaamiyihii hore ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.