Dowladda Federaalka oo riixeysa in dadka Muqdisho ay qaataan kaarta codbixinta

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku biiray ololaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee lagu xoojinayo in dadka reer Muqdisho ay qaataan kaarka codeynta ee doorashada daba-yaaqada bishan ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

Guddiga Doorashooyinka ayaa 15-kii bishii November Degmooyinka Gobolka Banaadir ka daahfuray bixinta kaarka codeynta, oo la siinayo dadkii billihii hore ee sanadkan isku diiwaangeliyay inay codeeyaan Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Doorashadan oo ay isku diiwangeliyeen dad gaaraya 923,220 qof, sida uu xaqiijiyay Cabdikariin Axmed Xasan, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay uu gaabis ka jiray in dadkii codkooda dhiiban lahaa ay qaataan kaarka codbixinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Howlaha Guud, Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta, Cismaan Axmed Macow ayaa galabta kormeeray qaabka ay kaar qaadashada uga socoto Degmada Cabdicasiis.

Wasiiradan oo sidoo kale booqday Xeebta Liido iyo xaafadaha kale ee Degmada Cabdicasiis oo ka baxsan goobta ay ka socoto kaar qaadashada ayaa dadka ku booriyay in ay wada qaataan kaarka, si ay codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in qaadashada kaarka codbixinta ay muhiim u tahay doorashada tooska ah, si ay si xor iyo xalaal ah ugu soo doortaan dadkii ku meteli lahaa Doorashada Golaha Deegaanka iyo Goleyaasha Sare ee Dowladda Federaalka.

Dhanka kale Wasiirka Batroolka & Macdanta, Daahir Shire Maxamed iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha, Dahabo Suusow Maxamuud ayaa iyaguna ololaha wacyigelinta ee kaar qaadashada ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.

Wasiiradan ayaa dadka deegaanka gaarsiiyay farriin ay ugu sheegayeen in codkoodu uu is bedel abuuri karo, ayna tahay in maalinta wax la dooranayo ay isugu soo baxaan goobaha codbixinta, inta ka horreysana kuwooda aan weli kaarka qaadan ay tahay in ay hadda qaataan.

"Kac kaarka soo qaado, aabaha hadduu jiifo soo bax ku dheh kaarka aan soo qaadanee. Canugga aad adiga dhashay ee 15 sano ka weyn soo wad oo kaarka soo wada qaata." Ayay tiri Dahabo Suusow oo dadka kula hadleysay maqaaxi ku taala degmadaasi.

Doorashadan oo lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoomto Muqdisho ayaa waxaa keliya codkooda dhiiban kara dadkii horey isugu diiwaangeliyay, isla-markaana haysta kaarka codbixinta.

Ururada Siyaasadda qaar badan oo ka mid ah ayaa qaadacay doorashada, iyadoona illaa iyo hadda ay 12 Urur Siyaasadeed soo gudbiyeen liisaska xubnaha kaga qaybgelaya doorashadaasi.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in 61 Urur Siyaasadeed ay horaantii sanadkan isku diiwaangeliyeen doorashadan.

Doorashadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee in ka badan 50 sano ka dib laga qabto Muqdisho.