Dowladda Federaalka oo saanad ciidan gayneysa Koonfur Galbeed

Dowladda Federaalka ayaa ku howlan, sidii ay qalab ciidan u gayn lahayd deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool oo la filayo in ciidamadu ay hawlgal ka bilaabi doonaan.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka gadaal markii la ogaaday in Al Shabaab ay inta badan maleeshiyadeeda ka soo saartay goboladaasi, isla-markaana ay qaar badan oo ka mid ah soo gelisay Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay isku afgarteen in maleeshiyada Al Shabaab furin cusub lagaga furo labadaasi gobol.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Qaranka ay ku wargeliyeen masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka in hub iyo rasaas hor leh ay u daabulaan Magaalada Baydhabo.

Baydhabo ayaa xarun u ah Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, waana halka laga hoggaamiyo hawlgalada ay ciidamadu ka fuliyaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa Khamiistii ka hortegay weerar ay Al Shabaab ku soo qaadday deegaanka Burjeed oo dhanka bari kaga beegan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Burjeed waa mid ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga magaaladaasi, waxaana weerarka ay Shabaabku ku soo qaadeen loo fasirtay mid ay ku wiiqayaan xogaha sheegaya in dagaal-yahanadoodii goboladaasi ay geeyeen qaybo ka mid ah deegaanada Hirshabelle.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo shalay galab ciidamada ku booqday goobaha ay ka difacayaan magaalada ayaa u sheegay in la qaadayo guluf cusub.

Madaxweyne Laftagareen oo ciidamada la hadlayay ayaa sheegay inaanan hadda ka dib la sugi doonin, inta maleeshiyadu ay ka soo weerareyso xeryaha ciidamada, taasi bedelkeedana lagu weerari doono magaalooyinka, tuulooyinka iyo meel kasta oo Koonfur Galbeed ay ka joogaan.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hadda haysata illaa laba kun oo askari, oo u badan Ciidanka Daraawiishta. Sidoo kale saddexda gobol ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku sugan guutooyin ka tirsan Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Federaalka waa u guul meel kasta oo dalka ka mid ah oo laga saaro maleeshiyada Shabaabka.

Shabaabka waxaa lagu tilmaamaa awoodda ugu weyn ee militari ee maanta dagaalka kula jirta Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan qaarkood.