Dowladda Federaalka oo shaacisay, xilliga la qaadayo Imtixaanka Dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ayaa qoraal ka soo saartay, xilliga la qaadayo Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare dalka.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in 27-ka bishan la qaadi doono Imtixaanaadka Qaranka ee Dugsiyada Sare.

Wasaaradda ayaa fartay ardayda, waalidiinta, macalimiinta iyo maamuleyaasha in ay u diyaargaroobaan imtixaanka, maalmaha yar ee ka harsan.

"Waxaa la farayaa ardayda, waalidiinta, macalimiinta iyo maamuleyaasha in ay u diyaargaroobaan imtixaanka, maalmaha yar ee ka dhiman." 

Imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2022-2023 ee sanadkan ayaan weli la ogeyn tirada u fariisan doonto, iyadoona tirada saxda ah la ogaan doono maalinta koowaad ee ay ardayda u fariisanayaan imtixaanka, markaas oo ay masuuliyiinta Dowladda Federaalka shaacin doonaan.

Imtixaanka sanadka ayaa noqon doono kiisii 9aad oo xiriir ah oo Dowladda Federaalka ay qaadeyso.

Maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Gobolka Banaadir ayaa qayb ka ah Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, ee ay qaaddo Dowladda Federaalka, marka laga soo taggo Puntland oo iyadu si gaar ah u maamusho imtixaanka ardayda ku dhaqan deegaanadeeda.