Dowladda Federaalka oo sheegtay in hawlgal gaar ah laga fuliyay Gobolka Shabellaha Dhexe

Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegtay in horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay hawlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa warsaxaafadeed ay xalay soo saartay ku sheegtay in hawlgalkan, oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah laga fuliyay Buurta Cadayga oo ku taala baa qoraalka lagu sheegay deegaanka Ceelbaraf, laguna dilay 13 xubnood oo qaarkood ay horjoogeyaal ahaayeen.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hawlgalka duqaynta lagu dhaawacay tiro kale oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.
"Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen, iyaga oo halkaasi ka abaabulayay dhagaro ay la damacsanaayeen shacabka deegaanka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxa kaloo lagu sheegay "Inta uu socday hawlgalkan waxaa sidoo kale lagu burburiyay saanad hub ah oo khawaarijta ugu diyaarsaneed halka uu ka dhacay hawlgalka."
Al Shabaab ayaa la fahamsan yahay in toddobaadkii hore ay maleeshiyaad cusub keentay duleedka Degmada Ceelbaraf, kuwaas oo ka yimid dhinaca Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoo ka soo gudbaya waddada marta hawdka galbeed ee Ceelbaraf. Waddadan ayaa qayb ahaan Gobolka Shabellaha Dhexe ku xiriiriso Gobolada Koonfureed.
Shabaabka ayaa 4-tii bishan dhaqdhaqaaq ka bilaabay deegaanada qaar ee dhaca bariga Gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay uga hortaggaan gulufka dagaal ee la doonayo in dib looga saaro deegaanadii bariga gobolkaasi ay qabsadeen billihii February, March iyo April.
Shabaabka oo gurmad uu uga yimid dhinaca Gobolada Koonfureed ayaa waxay qaarkood soo gaareen Degmada Alkowsar iyo deegaanada hoostaga, iyadoo kuwo kalena lagu arkay deegaanka War Ciise oo hoostaga Magaalada Jowhar. War Ciise ayaa ku taala inta u dhaxeyso Magaalada Jowhar iyo deegaanka Biyacadde oo qiyaastii 40km isu jira, waana deegaan istiraatiiji ah oo dhanka kalena isku xiro Jowhar iyo Degmada Raage Ceele.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay dhaqdhaqaaq kale ka wadaan deegaanada Geelgub, Masaajid Cali Gaduud iyo duleedka deegaanka Labi Goley oo 13km dhanka waqooyi uga beegan deegaanka Wargaadhi oo hoostaga Degmada Cadale, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin saldhig weyn oo militari.
Qorshaha Shabaabka ayaa lagu sheegay mid ay ku fashilinayaan in laga fogeeyo Degmooyinka Raage Ceele iyo Cadale oo dhaca dhinaca xeebta ee Gobolka Shabellaha Dhexe iyo in laga saaro Degmada Aadan Yabaal, iyadoo kuwooda soo gaaray Degmada Alkowsar la sheegay in ayba uga sii gudbeen Degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Tawakal oo hoostaga degmadaasi, halkaasina ay dhaqdhaqaaaq ka wadaan.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qorsheynaya guluf ballaaran, oo ay tahay in ciidamadu ay ku xoreeyaan Degmada Aadan Yabaal, taas oo Shaaabku ay la wareegeen 16-kii bishii April.
"Dowladda Federaalka Somaliya oo kaashaneysa shacabkeeda geesiyaasha ah iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an in gebi ahaanba la ciribtiro Khawaarijta, lana sugo amniga guud ee dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni waarta." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xalay ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.
Dhaqdhaqaaqyada iyo diyaargarowga ciidan ee iska soo horjeedda ee ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa mar kale gobolkaasi ka dhigeysa furin si weyn loogu dagaalamo, marka aad eegto in Villa Somalia ay dooneyso in la xoreeyo deegaanadii laga qabsaday ciidamada iyo Shabaabka oo xusul-duub ugu jira, sidii ay u sii joogi lahaayeen.
Gobolka ayaa waxaa billihii la soo dhaafay ka dhacay duqayntii ugu badneyd ee gobol qura laga fuliyo, wax ka yar muddo sanad ah, iyadoona markii ugu horreysay Ciidanka Cirka Itoobiya ay bishii March duqayn culus ka fuliyeen gobolkaasi.
Diyaaradaha dagaalka Itoobiya ayaa 4-tii March beegsaday duleedka deegaanka Daaru-nimca, oo sida la sheegay ay maleeshiyada Shabaabka isku uruursanayeen.
Shabaabka ayaa xilligaasi dhowr jeer lagu beegsaday dhulka hawdka ee deegaanka Daaru-nimca oo hoostaga Degmada Ruunirgood.
Addis Ababa ayaa garab istaag u muujisay Muqdisho, billo yar uun ka dib, markii labada dowladood ay xiriirkooda hagaajiyeen.