Dowladda Federaalka oo sheegtay in la dilay 80 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in la dilay 81 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, ka dib hawlgalo ka dhacay Gobolada Mudug, Shabellaha Dhexe iyo Bakool.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in hawlgalka hore oo ka dhacay deegaanka Bacaadka Faarax Aadan oo hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug lagu dilay 40 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa warsaxaafadeed ay xalay soo saartay lagu sheegay in hawlgalka labaad oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo qiyaastii 15km u jira deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabellaha Dhexe lagu dilay 35 ka tirsan dagaal-yahanada Shabaabka, waxaana hawlgalka iska kaashaday Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.

"Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan, waxaana lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee soo weeraray deegaanka Daaru-nimca." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hawlgalka saddexaad oo warsaxaafadeedka lagu sheegay inuu ka dhacay deegaan hoostagga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa lagu dilay 6 kale oo Shabaab ahaa.

Warsaxaafadeedka ayaa ugu dambayn lagu sheegay in Dowladda Federaalka oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay ka go'an tahay ciribtirka Shabaabka caadeystay dhibaateynta shacabka.