Dowladda Federaalka oo sheegtay in la xakameeyay xaaladda Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay soo celisay kala dambayntii Magaalada Muqdisho, ka dib dagaalkii ay Ciidamada Qalabka Sida kula galeen ciidamo taageersan Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa Jimcihii warsaxaafadeed ku sheegtay in ciidamada amnigu ay soo geba-gabeeyeen hawlgal qaatay 48 saacadood, kaas oo ay sheegtay inay uga hortaggayeen maleeshiyaad abaabulan oo doonayay in ay xaalad amni darro ka abuuraan Magaalada Muqdisho.

"Maleeshiyaadkan oo ku hubeysnaa hub culus ayaa galay xaafado ka tirsan caasimadda, ka dibna waxa ay weeraro ku qaadeen Ciidamada Booliska iyo dadka shacabka ah, iyaga oo adeegsanaya hub culus. Ciidamada amniga ayaa si taxadar leh ula fal galay maleeshiyaadkaas, oo ay soo abaabuleen siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre iyo Shariif Sheekh Axmed." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

"Intii uu socday hawlgalka waxa ay ciidamada amnigu hub ka dhigis ku sameeyeen maleeshiyaadkii sharci daradda ahaa, waxaana hay’adaha amniga iyo kuwa garsoorku bilaabeen baaritaan rasmi ah, iyada oo cadaaladda la horgayn doono cid kasta oo ku lug yeelata fal dembiyaadkan culus." Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka oo intaasi ku daray "Dowladda Somaliya waxa ay u aragtaa falalka nuucaan ah kuwa aan la aqbali karin, ka baxsan sharciga, kana jawaabaya dano cadow oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana dowladdu caddeynaysaa in keliya ciidamada amnigu ay yihiin cidda haysan karta hub sharci, wixii ka soo harana aan la aqbali doonin."

Dowladda Federaalka ayaa sida warsaxaafadeedka lagu sheegay ka digtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku dhaqaaqda falal noocaasi oo kale ah.

"Dowladda Federaalka waxa ay uga digeysaa shakhsi iyo koox kasta oo ku howlan falalka nuucaan ah in ay ka digtoonaato, kana waantawdo." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Khayre ayaa Khamiistii iyo Jimcihii aqbalay in ay ka guuraan xaafadaha Barmuuda iyo Mirinaayo oo Talaadadii ay u soo guureen, taas oo keentay in la dejiyo xaaladda.

Iska horimaadyo xoogan ayaa Arbacadii iyo Khamiistii ka dhacay xaafadahaasi oo ka kala tirsan Degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis.

Dagaalka ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii ka bilowday xaafadda Barmuuda, markii dambena ku fiday Mirinaayo, waana saacado ka hor mudaaharaadka ay Siyaasiyiinta Mucaaradka doonayeen inay Khamiistii ka dhigaan Muqdisho. Dowladda Federaalka ayaana carqaladeysay mudaaharaadkan, maadaama lagaga soo horjeeday muddo kororsiga Hay'adaha Dowladda Federaalka.

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda Muqdisho ayaa ku soo laabatay sideedii hore, dadkuna waxay bilaabeen inay howlahoodu qabsadaan.