Dowladda Federaalka oo si weyn ugu diyaargarowday wejiga labaad ee hawlgalka
Inkastoo uu dib u dhac hareeyay wejiga labaad ee hawlgalka, haddana Dowladda Federaalka ayaa haatan si weyn ugu diyaargarowday gulufka uu yoolkiisu yahay in xididada loogu siibo maleeshiyada Al Shabaab.
Qorshaha ayaa ah in marka hore ay ciidamadu qabtaan dhulka ay maleeshiyadaasi kaga harsan yihiin deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, marka xigtana ay si toos ah u hujuumaan deegaanada ay ka maamulaan Gobolada Koonfurta.
Wejigii hore ee hawlgalka ayaa lagu kala dhantaalay Shabaabka oo ku xooganaa Gobolada Dhexe, iyadoona ay ciidamadu ka saareen inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
Shabaabka ayaa billihii September illaa January lumiyay magaalooyin ay ka mid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Galcad, Masagawaa, Aadan Yabaal, Ruunirgood iyo deegaano kale oo dhaca labadaasi maamul.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilligan dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ka wada Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Talisyada Qaybaha 21aad & 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, maamulada degmooyinka iyo odayaasha beelaha ayaa la fahamsan yahay in ay abaabuleen xoogag deegaanka ah, kuwaa oo loogu talagalay in ay ka qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalkan.
Sidoo kale xiriirka Villa Somalia iyo Ahlu Sunnada Dhexe oo ka soo reynaya ayaa waxaa jira xoogag ka tirsan kuwa Ahlu Sunna, oo hadda diyaar u ah in ay gacan ka gaystaan gulufka la damacsan yahay in maleeshiyada Shabaabka looga sifeeyo deegaanada Galmudug.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay xiri doonaan xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, iyada oo hadafku yahay in laga hortaggo gurmadka Shabaabka uga iman kara dhanka Gobolada Koonfureed.
Shabaabka ayaa Galmudug ka haysta Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug, halka Hirshabelle ay ka haystaan daanta galbeed ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka go'an in ay si dhab ah u wiiqdo kooxaha argagixisada, ka dib muddo dheer oo ay dalka ka dagaalamayeen.
Sida muuqato wejiga labaad ee hawlgalka ayaa ka cuslaan doono midkii hore, waana xilli Shabaabku ay sanadkii labaad wajahayaan culeyskii ugu weynaa ee ka soo fuulo aqalka dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo lagu wado in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa in halkaasi uu kaga dhawaaqo wejiga labaad ee hawlgalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horaan sheegay in dowladdiisu ay muddo sanad ahi ku soo afjari doonto kooxaha nabadiidka, ka gadaal markii Saraakiisha Ciidamadu ay wejigii hore ee hawlgalka ka barteen in muddo kooban lagaga adkaan karo kooxahaasi, waa marka ciidamada iyo dadka deegaanka ay wada hawlgalayaan.




