Dowladda Federaalka oo waddo dadaalo dib loogu furayo Garoonka Baraawe

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka ay wadaan dadaalo dib loogu furayo Garoonka Diyaaradaha Baraawe, oo ku xirmay xiisadda ka taagan magaaladaasi.
Ciidamada Militariga oo saakay la wareegay garoonka ayaa hakad-geliyay howlihii shaqo ee garoonkaasi. Ciidamadan ayaa qayb ka ah Ciidankii Xoogga ee shalay galab illaa xalay magaaladaasi kula dagaalamayay Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Militariga ayaa sidoo kale goor sii horreysay la wareegay fariisimihii Ciidanka Daraawiishta ku lahaayeen afaafka hore ee Aqalka Madaxtooyada, iyadoona ay Ciidanka Daraawiishta difaac kaga jiraan Xarunta Madaxtooyada.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in si degdeg ah dib loogu furo Garoonka Baraawe, si looga qaado dadkii ku dhaawacmay dagaalka.
Wasiirka Caddaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa Guddoonka Maxkamadda Ciidamada iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay in tallaabo laga qaado Ciidamada Militariga.
Wasiirka ayaa masuuliyadda shaqaaqadii Baraawe dusha kaga tuuray waxa uu ugu yeeray ciidan sheeganaya in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Inta la ogyahay waxaa dagaalka ku geeriyooday 10 askari oo labada dhinac ah, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre.
Xiisaddan ayaa si guud looga dareemay magaalo xeebeedka Baraawe, waxaana xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, iyadoona uu hakad ku yimid isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee magaalada.


