Dowladda Federaalka oo wax ka soo saartay caqabadaha uu Cumar Cartan kala kulmay gelitaanka Mareykanka

Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Somaliya, Maxamed Cabdiqaadir Cali ayaa saaka war ka soo saaray is hortaagga uu Mareykanka ku sameeyay in Garsoore Cumar Cartan uu galo dalkaasi.

Warka ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay aad uga xun tahay duruufihii sababay in Garsooraha Soomaaliyeed uu ka baaqdo ka qaybgalka Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Mareykanka, Mexico iyo Canada.

Warka uu Wasiirku soo saaray ayaa u qornaa:-

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan uu ka baaqdo ka qaybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.

Ka dib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelidda dalka Mareykanka (Entry Denied), wasaaraddu iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay sameysay dadaalo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo hay’adda FIFA, si xal degdeg ah loogu helo arrintan.

Nasiib darro, inkastoo dadaalldaas xooggan la sameeyay, ma suurtaagelin in xal laga gaaro. Garsoore Cumar Cartan wuxuu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guulihiisa caalamiga ahaa waxay sharaf iyo sumcad u yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in caqabadaha iyo duruufaha adag ee dalka ka jira aysan hor istaagin in dhallinyarada Soomaaliyeed ay gaaraan heerar sare oo caalami ah.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qaybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay u mahadcelineysaa shacabka Soomaaliyeed, bahda ciyaaraha iyo dhammaan dadka muujiyay garab istaagga, dhiirrigelinta iyo taageerada ay u muujiyeen Garsoore Cumar Cartan.