Dowladda Federaalka oo xakameynaysa bannaanbaxa ay Siyaasiyiinta Mucaaradka iclaamiyeen

Bannaanbaxan oo ah mid lagu diidan yahay ololaha dhul boobka iyo barakicinta dadka reer Muqdisho ayaa culeys siyaasadeed ku noqday Dowladda Federaalka, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ay isku dayayaan inay ka hortaggaan in bannaanbaxu uu Axadda si fidsan uga qabsoomo Magaalada Muqdisho oo idil.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay inay ogol yihiin in bannaanbax nabadeed laga qabto caasimadda, iyadoo la ilaalinayo amniga shacabka iyo xuquuqda muwaadiniinta kale, oo ay ugu horreyso dhaqdhaqaaqooda gudaha magaalada.

Gudoomiyaha oo galabta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in bannaanbaxa lagu qaban karo oo keliya Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow (Ex Stadium Conis ama Conis Stadium), isagoona xadiday saacadaha uu soconayo bannaanbaxaasi.

"Waxaan doonaynaa in ciddii dooneyso inay sameyso mudaaharaad inay tagto goobtaas loo asteeyay, oo ah Stadium Enjineer Yariisow, ciddii dooneysa inay ka qaybgashana waxaa u furan inay halkay joogto intay si nabdoon uga soo dhaqaaqdo ay iska soo xaadiriso Stadium Ingineer Yariisow, laga bilaabo 9:00 subaxnimo, illaa 1:00 duhurnimo, halkaas inay kula hadlaan ciddii ayagu taageersan, ciddii dooneysa inay fekerkeeda cabirtana halkaasi inay tagto." Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo intaasi ku daray "Waxaa mamnuuc ah in la carqaladeeyo isu socodka gaadiidka dadweynaha iyo ganacsiga caasimadda."

Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka garab hadlayay Duqa Muqdisho ayaa sheegay inay xog ku heleen in dad siyaasiyiin ah, oo ay ku jiraan masuuliyiin hore ay qorsheynayaan inay qalqalgeliyaan magaalada.

"Waxaan hadda xog ku helnay in rag masuuliyiin hore ah iyo dad siyaasiyiin ah ay qorsheynayaan inay magaalada qalqalgeliyaan, isla-markaana ay abaabulaan falal lagu boobayo hantida ganacsatada iyo fowdo laga abuurayo dalka, iyadoo loogu dhex gambanayo rayidka laga yaabo inay qabaan cabasho dhab ah." Ayuu yiri Wasiirka oo hadalkiisa ku xoojiyay "Waxaan sidoo kale ka war haynaa in maleeshiyaad hub loo qaybiyay, si ay uga horyimaadaan ciidamada ammaanka sugaya, ka dibna dhibaato loogu gaysto shacabka iyo amniga guud ee dalka."

Wasiirka Amniga ayaa hay'adaha ammaanka faray inay adkeeyaan ammaanka magaalada, isla-markaana ay ka hortaggaan falalka liddi ku ah nabadgelyada, isagoona carabka ku adkeeyay inaanay dowladdu aqbali doonin in la carqaladeeyo xasilloonida guud ee dalka, gaar ahaan Muqdisho.

"Dowladda Somaliya ma aqbaleyso in la carqaladeeyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan dalka, gaar ahaan caasimadda oo ku yimid dhiigga Ciidanka Soomaaliyeed iyo canshuurta shacabka." Ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Muqdisho ayaa waxaa ka jira carro baahsan oo ka dhalatay hannaanka uu Maamulka Gobolka Banaadir u maray qorshaha shacabka looga rarayo xarumaha danta guud, ka dib markii qaylo dhaan xoog leh ay ka timid qoysas fara-badan oo cabasho ka muujiyay in si sharci darro ah looga burburiyay guryo ay mulkiyaddoodu leeyihiin, isla-markaana aan la eegin dokumintiyadooda sharciga ah.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaan mooganeyn in in ka badan laba boqol oo kun oo qof laga barakiciyay guryihii ay deganaayeen, waxayna la socdaan in dad badan oo reer Muqdisho ahi ay aad u carreysan yihiin iyo inay xitaa waayeen meel ay u caddaalad doontaan, ka dib markii Golaha Adeegga Garsoorka uu si uun u diiday in garsooreyaasha ay dhageystaan dacwadaha la xiriira arrinta dhulka.

Tallaabada Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ee lagu adkeynayo ammaanka magaalada, laguna xakameynayo dibadbaxayaasha ayaa looga gol leeyahay inaanay dadku gacmahooda sharciga ku qaadan, iyadoo carradooda ay wax qaribi karto.