Dowladda Jabuuti oo diblomaasiyiinteeda ka daadgureysay dalka Suudaan

Jamhuuriyadda Jabuuti oo muwaadiniinteeda ka daadgureysay Magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan, isuguna gaysay Magaalada Gondar ee waqooyiga dalka Itoobiya ayaa qaybtii ugu horreysay ka dejisay Garoonka Diyaaradaha Ambouli ee Magaalada Djibouti.

Diyaaradda Air Djibouti ayaa illaa 50 qof oo uu ku jiro Safiirka Jabuuti ee Suudaan, Danjire Ciise Khayre, Shaqaalaha Safaaradda iyo qoysaskooda ka dejisay Garoonka Caasimadda Djibouti, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jabuuti iyo xubno ka mid ah eheladooda.

Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo Warbaahinta la hadlay ayaa ammaanay doorka Safaaradda Jabuuti ee Khartoum, ee ku aaddan dadaalada daadgureynta ee muwaadiniinta reer Jabuuti.

"Safaaradda Jabuuti iyo shaqaalaheeda oo uu hoggaaminayo Danjire Ciise Khayre, waxay qabteen howl weyn oo qiimo leh, marka la eego sida ay muwaadiniinta isugu soo uruurisay, basaska ugu kireysay, uguna gaarsiisay xadka Itoobiya, ka dibna looga gudbiyay Magaalada Gondar, oo maanta ay qaybtii ugu horreysay ka soo qaadday diyaaradda Air Djibouti." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri "Waa Allah mahadiis in la soo samata-bixiyay muwaadiniin, qoysas dumar & carruur leh, diblomaasiyiin iyo ardayba. Tallaabadaasi dadka lagu soo samata-bixinayay, waxaa lagu qaaday amar toos ah oo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle faray xukuumadda, gaar ahaan aniga qudhayda, oo ahayd inaanu qaadno tallaabo kasta oo suurtagal ah, oo aanu dadkaa ugu gurmanayno." 

Wasiirka ayaa intaa ku daray "Waxaa jira muwaadiniin kale oo arday ah oo ku haray Magaalada Gondar, oo ayaguna berri hadduu Alle idmo la keeni doono Jabuuti."

Dowladaha shisheeye ayaa Sabtidii bilaabay in ay muwaadiniintooda ka daadgureeyaan dalkaasi Suudaan, ka dib toddobaad ay dagaalo culus ka dhacayeen Caasimadda Khartoum.