Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo culeys uu ka haysto arrinta Galmudug

Khilaafka jiitamaya ee ka taagan Doorashooyinka Galmudug ayaa caqabad siyaasadeed ku noqday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo laga dhowrayo inay si hufan u maamusho doorashooyinka ku soo foolka leh maamulka ka dhisan Gobolada Dhexe.

Doorashooyinka Golaha Deegaanka, Baarlamaanka iyo Hoggaanka Galmudug ayaa si toos ah u taabanaya masiirka siyaasadeed, horumarka iyo xasilloonida dadka reer Galmudug.

Hannaanka doorashooyinka maamulkan ee sida weyn la isugu hayo ayaa abuuray kala qaybsanaan siyaasadeed iyo walaac xoog leh oo shacabku ka muujinayaan jihada khaldan ee maamulku uu ku socdo.

Inta badan saamileyda siyaasadda Galmudug oo uu ku jiro Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa doonaya in laga fogaado doorasho dhinac gaar ah u xaglineysa, si natiijada ka soo baxda ay u hesho kalsooni.

Odayaasha iyo waxgaradka dadka deegaanka ayaa Madaxda Qaranka uga fadhiya in Galmudug laga qabto doorasho loo siman yahay, iyadoo lagu saleynayo is afgarad iyo talooyinka ka imanaya bulshada.

Odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka hadlaya qalabka Warbaahinta ayaa ku celcelinaya, sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada soo socoto ay noqoto mid hufan oo natiijadeeda la wada aqbali karo, taas oo ay u arkaan dhabaha keliya ee lagu xaqiijin karo hirgelinta mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, loogana baaqsan karo dib-u-dhac siyaasadeed iyo soo kabasho waqti dheer ah.

Villa Somalia oo ay ka go'an tahay in meesha laga saaro Madaxweyne Qoorqoor oo booskiisa ay u waddo Liibaan Axmed Xasan ayaan iska indha tiri karin codka hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda ee lagu dalbanayo in aanan Galmudug haadaan laga tuurin, bacdamaa ay dadku weli xusuusan yihiin caqabadihii laga soo maray dhismaheeda.

Xasaasiyadda ay leedahay Galmudug ayaa ah sababta aysan Dowladda Federaalka ugu degdegi karin inay ciidamadeedu xoog kula wareegaan Dhuusamareeb, si la mid ah Magaalada Baydhabo oo 30-kii March ay la wareegeen, iyadoo xilligaasi la riday Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Daba-yaaqadii bishii May ayaa waxaa jiray abaabul iyo isku day ay Ciidamada Dowladda Federaalka kula wareegi lahaayeen amniga Dhuusamareeb, waxaase ka hortimid beesha degan magaaladaasi oo sheegtay inaysan dagaal u dooneyn magaalada, isla-markaana ay tahay in si degdeg ah loo qabto doorasho madaxbannaan, loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay, isla-markaana daahfuran.

Loolanka siyaasadeed ee taagan ayaa waxaa looga gudbi karaa wada hadal iyo isu tanaasul dhex mara Villa Somalia iyo garabka kale ee ka soo horjeeda, taas oo damaanad qaadeysa in jihada maamulka lagu saleeyo rabitaanka dadka deegaanka, oo ah in laga baaqsado koror xiisadeed ama qalqal amni, iyadoo laga wada shaqeynayo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Galmudug oo saldhig u ah doorasho xor iyo xalaal ah.

Hufnaanta doorashadu waxay saldhig u tahay xaqiijinta dowladnimo adag, waxayna ka hortagtaa musuqmaasuqa, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib-u-dhaca maamul ee horseeda xasillooni darrada.