Dowladda oo dalka ku soo celisay muwaadiniin ka soo cararay colaadda Suudaan

Dowladda Federaalka ayaa sii wadda dadaalada ay dalka dib ugu soo celineyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo baxsanaya colaadda dalka Suudaan.

Diyaaraddii ugu dambeysay oo sidda 92 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa caawa ka soo degatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintan ayaa la socday diyaarad gaar ah oo ka soo qaadday dalka Koonfurta Suudaan.

Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa muwaadiniintan ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Muwaadiniinta dalka dib loogu soo celiyay ayaa isugu jira carruur, haween iyo arday waxbarasho u joogay dalka ay dagaaladu ka socdaan ee Suudaan.

Maanta ayay ahayd, markii Dowladda Federaalka ay dalka dib ugu soo celisay 137 muwaadin oo ka soo cararay colaadda dalkaasi.