Dowladda oo is bedel ku sameysay ciidamada ka hawlgala barraha amni ee Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa xalay is bedel ku sameysay ciidamada ka hawlgala barraha ciidan ee Waddada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo cusub ayaa lagu bedelay Ciidankii Booliska ee horey u joogay waddadaasi, ka dib muddo afar sano ah oo ay ka hawlgalayeen.

Ku dhawaad laba boqol oo askari oo ku sugnaa dhammaan isgoysyada ka soo gudba Waddada Wadnaha ee soo aada dhanka Waddada Maka Al Mukarama ayaa lagu bedelay ciidan cusub, oo ay horkacayaan Saraakiil la soo xulay. 

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isgoysyada looga soo gudbo Waddada Wadnaha, min Isgoyska Danwadaagta oo Degmada Wadajir ah illaa Isgoyska Marinaayada ee Degmada Kaaraan ka hirgelisay barrahaasi ciidan.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa wax ka bedel ku sameynaya hannaanka shaqada ee ciidamada.

Taliska Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira, sidii ay gacan bir ah ugu qaban lahaayeen amniga Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la eegaya waxa ay dowladdiisu ka qaban doonto xaaladda amni ee dalka.