Dowladda oo riixeysa doorashada lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Muqdisho
Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirto, sidii ay dhawaan Doorashada Golaha Deegaanka uga qabsoomi lahayd Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Magaalada ayaa waxaa ka socdo diyaargarow dadka loogu jiheynayo in ay codkooda ku soo doortaan xubnaha doonaya inay doorashadan u tartamayaan
Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta degmooyinka qaarkood ee Gobolka Banaadir ka bilaabay bixinta kaarka codeynta, oo la siinayo dadkii billo ka hor isku diiwaangeliyay in ay codkoodu dhiibtaan.
Guddiga Doorashooyinka ayaa Degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab, Xamar Weyne, Boondheere, Shangaani, Cabdicasiis iyo Shibis ka daahfuray bixinta kaararka ay dadweynuhu kaga qaybgelayaan doorashada soo socota.
Dadweynaha ayaa Sabtidan safaf u galay, sidii ay u qaadan lahaayeen kaarka codbixinta, si 30-ka bishan ay codkoodu wax ugu soo doortaan.
Daahfurkan ayaa qayb ka ah dadaalada ay dowladdu ku bixineyso hirgelinta doorashada qofka iyo codka, oo ah xuquuq ay muwaadiniintu u leeyihiin inay codeeyaan.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan oo kaar bixinta ka daahfuray Degmada Boondheere ayaa dadkii iska diiwaangeliyay degmooyinka maanta laga bilaabay bixinta kaarka lagu codeynayo ugu baaqay in ay qaataan.
Gudoomiyaha ayaa dadweynaha ku booriyay in ay qaataan kaarka codbixinta, si ay codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada, tani oo uu ku sheegay xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay wax doortaan amaba la doorto.
Qof kasta oo ka taga inuu kaarka qaato ayaan wax dooran karin, iyadoo kaarka uu u horseedayo fursaddii uu codkiisu ku dhiiban lahaa, taasna waa wax ay dadku ka dheregsan yihiin.
Dad badan oo reer Muqdisho ah ayaa ku faraxsan in tobanaan sano ka dib ay codkoodu dhiibtaan, si ay u soo doortaan hoggaamyeyaashii meteli lahaa.
Doorashadan ayaa waxaa isku diiwaangeliyay dad gaaraya 923,220 qof, sida uu xaqiijiyay Cabdikariin Axmed Xasan, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Dhanka kale Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta Ururada Siyaasadda ku wargeliyay in soo gudbinta liiska Xubnaha Musharaxiinta Degmooyinka ay ugu dambayn ku egtahay 25-ka bishan. Guddiga ayaa warkan ku sheegay warqad ay soo saareen.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in horaantii sanadkan ay diiwaangeliyeen 61 Urur Siyaasadeed.
"Maanta waa maalin kaloo weyn, waa maalin kaloo ummadda Soomaaliyeed yadidiilo u ah, waa maalin sharaf leh 57 sano ka dib shacbiga ku dhaqan Gobolka Banaadir maanta inay haystaan oo ay qaadanayaan kaararkoodii codeynta." Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlayay daahfurka kaar bixinta ee Degmada Boondheere.
Doorashadan ayaa sidoo kale noqoneyso tii ugu horreysay ee ceynkeeda ah ee laga qabto Magaalada Muqdisho, tan iyo dib u yegleeliddii Dowladnimada Somaliya oo 25 sano laga joogo.
















