Dowladda oo Saraakiil u xirxirtay goobaha ay ciidamadu ka soo baxeen

Dowladda Federaalka ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka u xirxirtay degmooyinkii iyo deegaanadii Galmudug, ee ay ciidamadu toddobaadkii hore dib uga soo gurteen.

Ka dib weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay 26-kii bishii August ka gaysteen deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud, ciidamada ayaa soo banneeyay Degmooyinka Galcad, Ceeldheer & Ceelbuur iyo deegaanada Wabxo, Masagawaa & Budbud. Ka bixitaanka ciidamada ee goobahaasi ayaa lala xiriirinaya weerarkii Cowsweyne.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay jiraan Saraakiil shalay illaa saaka loo xirixiray saldhigyadii ay ciidamadu ka soo baxeen.

Madaxweynaha ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka soo baxeen goobo dhowr ah, isagoo intaasi ku daray in ciidanka barrahooda soo banneeya iyo kuwa kale ee fariisimahooda ku sugan aanay isku mid u ahaan doonin qaranka.

Madaxweynaa ayaa tilmaamay in Saraakiisha xiran la horgayn doono sharciga, isla-markaana ay mudan doonaan waxa ay sharciga kala kulmaan.

"Maanta saacaddaan aan idiin la hadlayo niman Saraakiil ah ayaa xirxiran, oo shalay la xiray, qaar kalena saaka la xiray, dembi ay gaysteenaa loo xiray. Maxkamadda Militariga waxay siiso ayuuna yeelanaya." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu ma sheegin tirada Saraakiisha xiran iyo magacyadooda, waxaase uu ku celiyay in ay wajihi doonaan, wixii ay sharciga ka helaan.

"Dowladaa nahay, dowladna waa qaanuun iyo sharci ay ku kala dambeysaa, shareecadaa la horgaynaa, shareecadaas wuxuu ka heluu leeyahay kii dembi leh, kii dembi lahayna waa la soo deynaa." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa mar sii horreysay sheegay in lala xisaabtami doono kuwa xagal-daacinaya hawlgalada ciidamada.

Waa markii ugu horreysay oo Dowladda Federaalka ay Saraakiil u xirxirto goobo laga saaray Al Shabaab oo ciidamadu ay dib u soo banneeyeen.