Dowladda oo sheegtay in uu kordhay khasaaraha weerarkii Xeebta Liido
Dowladda Somaliya ayaa faah faahin ka bixisay khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii habeen hore ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, dhowr nin oo hubeysana ay gudaha ugu galeen Hotel Beach View oo halkaasi ku yaala.
Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Dr. Cali Aadan Xaaji oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in si guud ay weerarka ugu waxyeeloobeen 247 qof, kuwaa oo 37 ka mid ah ay dhinteen.
"Kiisaska guud isbitaalada marka la isku dardaro waxay noqdeen 247 xaaladood. Inta xaaladdooda ay fududeed ee isbitaalada laga soo saaray ee guryahooda aaday guud ahaan waxay ahaayeen 137, inta xaaladooda ay liidato ee qaybta degdegga ah ku jirtana waxay ahaayeen 11, inta bukaan jiifka ah oo ICU-na aan ku jirin, laakiin la jiifiyay isbitaalada oo hadda jiifto waa 64 bukaan oo dhaawac qabta, inta dhimatay ee la soo gudbiyayna waa 37." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri "Marka dhimashada guud ee ina soo gaartay waa 37 qof, inta hadda isbitaalada ku baaqiga ahna waa 64 bukaan jiif caadi ah iyo 11 ICU-da ku jirta, 137-na guryahooda ayay aadeen."
Wasiirka ayaa xusay in ay dib Warbaahinta kala soo wadaagi doonaan, haddii ay wax macluumaad oo dheeri ah ka helaan goobaha caafimaadka.
Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in ay u diyaargaroobeen xaaladaha ceynkani oo kale ah, isla-markaana ay haystaan wixii qalab iyo shaqaale ee loo baahnaa.
"Wax kasta oo loo baahnaa, si aan uga jawaabno masiibooyinka dhaca waan haysanaa. Xarumihii gurmadka heer qaran, middaan caafimaadka u goonida iyo midda heer qaranba way noo dhisan yihiin, waxaana haysanaa gaadiidka gurmadka degdegga ee aan uga jawaabi lahayn." Ayuu yiri Wasiirka oo shaqaalaha faray in ay ka faa'iideystaan agabka ay haystaan, isla-markaana ay ugu shaqeeyaan shacabkooda.
"Na loogu cudurdaari maayo wixii hadda ka dambeeya, shacabkeenna markii dhibaato tan oo kale ah ay la soo gudboonaato in jawaabtii ay u baahnaayeen la bixin waayo, na loogu cudurdaari maayo, maxaa yeelay wax kasta oo tasiilaad ah, waynu haysanaa." Ayuu yiri Wasiir Cali Aadan Xaaji.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shalay kulan degdeg ah la qaatay laamaha amniga, iyagoona ka dhageystay warbixin la xiriirta weerarkan iyo qorshaha ay ku sugayaan amniga Magaalada Muqdisho.
Raysal Wasaare Barre ayaa xalay sheegay in Dowladda Federaalka ay qaadday tallaabooyin degdeg ah, xabsigana ay dhigtay saraakiil la tuhunsan yahay in ay dayacaad amni sameeyeen.
“Baaris kalaa ku jirnaa, waxaana rajeynaya Ilaahay idinkiis inaan tallaabo adag qaadi doono oo dhinaca amniga ah.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, tan iyo bishii October ee sanadkii 2022.