Dowladda oo sheegtay in xubno Shabaab oo ajaaniib ku jiraan lagu dilay Sh/hoose

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga lagu dilay 40 xubnood oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay xalay hawlgalkan ka fuliyeen Beerta Shariifka ee deegaanka Nuungare, oo 8km dhinaca waqooyi kaga beegan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu beegsaday horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Shabaab ah, kuwaa oo xubnaha la dilay ay ku jiraan, sida warsaxaafadeedka lagu sheegay 10 nin oo ajaaniib ah.

"Habeenimadii Talaadada oo taariikhdu ahayd 2-da bisha May ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee hawlgalkan lagu beegsaday, waxa ay isku abaabulayeen dhul beereedkan. Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka hortegay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Ku dhawaad 10 Khawaarij ajaanib ah ayaa ku jira xubnaha lagu laayay hawlgalkan, waxaana sidoo kale jira xubno kale oo lagu raad-joogo, kuwaas oo isku dayaya inay baxsadaan.

Dowladda oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta."