Dowladda oo soo saartay qorshe lagu xakameynayo hubka Magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa shaacisay qorshe lagu xakameynayo hubka Magaalada Muqdisho, oo loogu yeeray (Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda).

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa bulshada la wadaagay qodobada xeerkan oo ka kooban 14 qodob.

Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda

Iyadoo laga ambaqaadayo go’aankii Golaha Wasiirada ee soo baxay 6-dii bishan April 2023 ee Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, waxaa Dowladda Federaalka Somaliya ay shacabka la wadaageysaa faah faahin ku saabsan xeerkan muhiimka ah.

Ujeedada laga leeyahay xeerkan ayaa ah in la is waafajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasimaddu u leedahay xasillooni iyo nabad ay u helaan naftooda. Sidaa daraadeed waxaan halkan idin kula wadaagaynaa nuxurka xeerkan oo u dhigan, sida tan soo socota:-

Waxaa reeban oo la mamnucay in magaalada lagu dhex wato hubka culus, sida a) Gaadiidka Ciidanka oo qori ku xiran yahay b) Qoriga Sabanka ama baasuukaka (RPG). c) Qoriga Dabajeexa (PKM).

Waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda ahayn ay keensato hub iyo gaadiid ciidan, siiba gaadiidka loo yaqaano Cabdi Bilaha iyo dareyska ciidanka.

Gaadiidkan iyo hubkan la mamnuucay waxaa magaalada lagu dhex wadan karaa oo keliya marka ay adeegsanayaan ciidan hawlgal idman ku jira.

Dhammaan hubka iyo gaadiidka ciidan ee la qabto, iyadoo aan ruqsad loo haysan ama xadgudub ku ah xeerkan, waa la la wareegayaa, waxaana uu noqonayaa hanti dowladeed.

Diiwaangelinta iyo bixinta rukhsadda ilaalada waxaa u xilsaaran Wasaaradda Amniga Gudaha.

Waxaa reebban cid aan ahayn ciidammada u xilsaaran sugidda amniga caasimadda in hub aan rukhsad lahayn ay magaalada ku dhex wadato.

Ciidammada ilaalada ah ee haysta ruqsadda, marka ay shaqada ku jiraan waa in ay wataan labiska ciidanka ay ka tirsan yihiin.

Ciidamada sugaya amniga bara-ilaaleedka (checkpoints-yada), waa in ay u turaan bulshada adeegsanaya waddooyinka, si wanaagsanna ula dhaqmaan, sidoo kalena, ay mas’uuliyiinta waddooyinka adeegsanaya siiyaan tixgelintooda iyo mudnaantooda.

Masuuliyiinta iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee waddooyinka adeegsanaya, waa in ay u hoggaansamaan ayna dhowraan farriimaha iyo tilmaamaha ciidammada sugaya amniga caasimadda, isla markaana ay u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ciidamada haysta ruqsadda waxaa la farayaa inay waddooyinka u adeegsadaan si waafaqsan Sharciga Nabadgelyada Waddooyinka.

Dhammaan hubka fudud ee loogu talagaley ilaalada madaxda, difaaca nafta iyo hantida, sida bastooladaha noocyadooda kala duwan, qoriga AK 47 iyo qoryaha noociisa ahba waa in la diiwaangeliyaa.

Waxaa reeban in hub lagu dhex rido magaalada xilli kasta oo ay tahay. Haddii ay jirto dab-rid tijaabada hubka ah waa in ciidanku ay bixiyaan ogeysiis saacado ka hor.

Cid kasta oo ku xadgudubta qodobada xeerkan waxaa lala tiigsanayaa xeerarka ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay soo saareysaa, markii loo baahdo, habraac faah faahinaya arrimaha kor ku xusan ee qodobada xeerkan.

Xeerkan waxaa uu dhaqangalay 6-dii bisha April 2023, markii ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, waxaana la farayaa dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, masuuiyiinta iyo shacabkuba inay u hoggaansamaan.