Dowladda Somaliya oo codsi u gudbisay Serbia

Dowladda Somaliya ayaa Dowladda Serbia ka codsatay in ay ka cafiso daynta ay ku leedahay dalka.
Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaaraha dalkaasi, Ana Brnabić ayaa ka codsaday in dowladdeeda ay dalka ka cafiso daynta, ka dib markii uu sharaxaad ka siiyay hiigsiga xukuumaddiisa iyo shaqada ay ka qabatay hannaanka & dhameystirka shuruucda muhiimka u ah dayn-cafinta.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu yiri "Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxa ay khadka telefoonka maanta ku wada xiriireen Raysal Wasaaraha dalka Serbia, Ana Brnabić oo ay ka wada hadleen xoojinta & adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Serbia."
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Raysal Wasaare Barre uu Raysal Wasaare Ana ku bogaadiyay in dowladdeedu ay kordhiso tirada deeqaha waxbarasho ee ay Somaliya siiyaan.
"Dowladda Serbia oo kaalmada bani’aadanimo soo gaarsiisay dadkeenna xilligii ay abaartu jirtay ayaa Raysal Wasaaruhu ugu mahadceliyay, isagoo ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiyaan." Ayaa lagu yiri qoraalka.
Wada hadalkooda ayaa imaanaya, xilli Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay 20-kii bishii hore ee March iclaamisay in Somaliya ay ka gudubtay qiimeynta heerka 5aad ee barnaamijka dayn-cafinta, ka dib markii Dowladda Federaalka ay ku ammaantay in ay horumar wanaagsan ka sameysay shuruudihii lagu xiray dayn-cafinteeda.
Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in dalka uu hadda gelayo wejigii ugu dambeeyay ee barnaamijka dayn-cafinta.


