Dowladda Somaliya oo dib u dejin u sameysay qaybtii koowaad ee dadka Sabiid iyo Caanoole

Dowladda Somaliya ayaa maanta dib u dejin u sameysay qaybtii koowaad ee dadka deegaanka Sabiid & Caanoole ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Maleeshiyada Al Shabaab oo bishii March ee sanadkii hore dagaal ku qabsaday deegaankaasi ayaa bishii June ee sanadkaasi barakiciyay dadka deegaanka, iyadoo uu socday hawlgal xilligaasi dib maleeshiyada looga saarayay deegaanka.

Dowladda Somaliya ayaa bishii Decemer xarigga ka jartay Buundada Sabiid iyo Caanoole, ka dib markii dib u dhis lagu sameeyay. Shabaabka ayaa bishii June burburiyay buundadan, ka hor inta aan laga saarin deegaankaasi. Dowladda Federaalka ayaa 6-dii December gargaar raashiin iyo mid caafimaadeedba u fidisay dadka deegaanka oo barakac uga maqnaa guryahooda, balse loo sheegay in ay deegaanka ku soo laabtaan, si loo siiyo wa xoogaa kaalmo ah. Dadka reer Sabiid iyo Caanoole ayaa markaas codsaday in gacan dheeraad ah loo fidiyo, iyagoona si gaar ah u codsaday in dib u dejin loo sameeyo oo guryahoodii la burburiyay dib loogu dhiso.

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan Militariga Turkiga ayaa Talaadadan gaaray deegaanka Sabiid & Caanoole, si dadka deegaanka loogu wareejiyo guryo cusub oo loo dhisay.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in qorshaha dowladda aanu ahayn dib u xoreynta dhulka maqan oo keliya, balse sidoo kale uu yahay in la soo celiyo noloshii deegaanada, iyadoo laga hirgelinayo adeegyadii bulshada.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in shaqadan laga qabtay Sabiid iyo Caanoole ay iska kaashadeen Dowladda Turkiga iyo Hoggaanka Isku Xirka Ciidanka Xoogga Dalka & Shacabka ee CIMIC.

Saraakiisha CIMIC ayaa isla maanta dadka deegaanka gaarsiiyay raashiin, si dadka ay dib ugu awoodaan inay hore noloshoodii u sii wataan.

Wafdiga booqday Sabiid iyo Caanoole ayaa sidoo kale kormeeray Masaajidkii deegaanka oo dayactir lagu sameeyay iyo garoonka ciyaaraha ee deegaankaasi, oo dhallinta soo noqoneysa ay fursad u heli doonaan inay mar kale ku ciyaaraan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo isna ka hadlayay munsaabaddaasi ayaa ballanqaaday in adeegyada kale ee weli harsan, sida Saldhigga Booliska iyo MCH-ka ay sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabi doonaan.