Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqday in birrito ay kow tahay bisha Shawaal

Dowladda Federaalka ayaa caawa ku dhawaaqday in Jimcaha berrito ay kow tahay bisha Shawaal, ka dib markii curashadeeda laga arkay qaybo ka mida dalka.
Wasiirka Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka, Mukhtaar Roobow Cali ayaa shaaciyay Jimcaha inay ciid tahay, isagoona ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.
"Waxaan idiin sheegeynaa caawa afurkii illaa haddeer, waxaan la xiriireynay gobolada oo dhan, si aan u hubsano bishii mala arkay mise maya." Ayuu yiri Wasiirka oo intaa ku daray in loo soo sheegay in bilashada bisha laga arkay deegaanada Jubbaland, Hirshabelle iyo Galmudug.
Wasiirka oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ayaa tilmaamay in dad ku sugan Degmooyinka Ceelwaaq (Gobolka Gedo), Jowhar (Gobolka Shabellaha Dhexe) iyo Cadaado (Gobolka Galgaduud) laga xaqiijiyay in ay arkayn dhalashada bisha Shawaal.
"Marka ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan dowlad iyo shacbi, waxaan leeyahay hambalyo." Ayuu yiri Wasiirku.
Dhanka kale Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyay munaasabadda ciiddaan.
Al Shabaab ayaa iyana ku dhawaaqday in Jimcaha berrito ay ciid tahay, iyadoona bayaan ku sheegtay in bisha laga arkay dhulka ay ka maamusho Gobolada Koonfurta & Bartamaha.
Bisha barakeysan ee Ramadan ayaa sanadkan ku dhammaatay 29 maalmood, sida goor sii horreysay uu Sacuudigu ku dhawaaqay.


