Dufcaddii 9aad ee Ciidanka Danab oo tababar looga furay Xerada Ballidoogle
Cutubyo ka mid noqonaya Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab ayaa tababar looga furay Xerada Tababarka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Xeradan ayaa dhawaan loogu magac-daray Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure), Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Kumaandooska Danab, kaas oo 20-kii bishii January lagu dilay weerar ay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) ayaa ciidamadan tababarka uga furay Dugsiga Tababarka ee Gaashaanle Xasan Tuure.
Ciidamadan ayaa waxaa tababaraya Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee saldhigga militari ku leh Garoonka Ballidoogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn, iyagoona noqonaya dufcaddii 9aad ee Danab yeelato.
Xoogagan cusub ayaa loo tababaraya, sidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen hawlgalada militari ee dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda.
Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka ayaa 16-kii bishii March Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku aaddan dhismaha iyo xoojinta Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka, iyadoo markaasi la ballaarinayo tababarkooda, qalabeyna loo sameynayo.
Danab waa ciidan lugta ah oo si gaara loo tababaro, waxayna fuliyaan hawlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, iyagoona la hawlgala Militariga Mareykanka ee Dowladda Federaalka ka taageera weerarada dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado madaxda iyo maleeshiyada Shabaabka.








