Dunida Muslimka oo maanta laga ciidayo maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga

Dunida Muslimka ayaa maanta looga dabaaldegayaa maalinta 1aad ee munaasabadda Ciidul Fidriga, ka dib markii ay ummadda Muslimiinta soomeen 29 maalmood oo bisha Ramadan ay ku dhammaatay.
Dowladaha Islaamka oo Sacuudigu ugu horreyo ayaa xalay ku dhawaaqay in Jimcahan ay kow tahay bisha Shawaal.
Marka aad milicsato magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida, sida Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Hargeysa, Jigjiga iyo Djibouti ayaa maanta laga wada ciidayaa, ka gadaal markii maamulada ay xalay shaaciyeen in maanta ay ciid tahay.
Sidoo kale dhulka ay maamusho Al Shabaab ayaa laga ciidayaa maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga.
Dadweynaha ayaa Salaadda Ciidda ku tukaday Masaajidda iyo fagaareyaasha loo asteeyay in Salaadda lagu ooggo.
Maamulada ayaa fasaxay shaqaalaha rayidka, si ay qoysaskooda ula wadaagaan farxadda ciidda.
Soomaalida ayaa maanta caalamka intiisa kale kala mideysan dabaaldegga iyo xuska maalinta 1aad Ciidul Fidriga.
Ciidul Fidriga waa mid ka mida labada ciidood ee Islaamka uu leeyahay, waana ciidda sida weyn ay Muslimiintu u xusaan, waana ciidda farxadeedda lagu muujiyo gudashada iyo dhameystirka acmaasha bisha soon-qaad.


