Duqa Dhuusamareeb: Shabaab waxaan u sheegaya ummadda Soomaaliyeed way soo jeeddaa

Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow), Duqa Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamada amniga oo kaashanaya dadka deegaanka ay ku filan yihiin xaqiijinta amniga magaaladaasi, mar walbana ay fashilin doonaan weerarada maleeshiyada Al Shabaab.
Shabaabka ayaa Khamiistii laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku weeraray Magaalada Dhuusamareeb, inkastoo ay ciidamadu kaga hortaggeen duleedka magaaladaasi.
"Khawaarijta waxaan rabaa halkan inaan uga sheego ummadda Soomaaliyeed waa soo jeeddaa, haddaad maalintii socotaan, haddaad habeen dheelmanaysaan, haddaad baadiyo joogtaan iyo haddaad magaalada ku jirtaan, intaba waa la idinka war hayaa." Ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb.
Waxa kaloo uu yiri "Annaga iyo idinka way inoo kala dhammaatay, waddanka waa la idinka sifeynaa Insha'Allah, hagartiinana intaas ayay ku egtahay, dadkan wixii aakhiro ka aado janno ayay galayaan, wixii idinku idiin dilaana janno ayay galayaan."
Waxa uu intaasi ku daray "Marka Khawaarijta waxaan leeyahay rafashadiinii ugu dambeysaa ku jirtaan, waxaad soo abaabushaan oo dhana saasaa loo fashilinaya, haddii Ilaahay yiraahdo."
Duqa Dhuusamareeb ayaa maleeshiyada Shabaabka ugu baaqay in ay ka faa'iideystaan cafiskii uu horaan u sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana ay isa soo dhiibaan.
"Haddii aad rajo adduunka ka leedihiin cafiska Madaxweynaha ka faa'iideysta oo isa soo dhiiba." Ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb oo Warbaahinta kula hadlayay magaaladaasi.
Dhanka kale Duqa Dhuusamareeb ayaa shalay galab laba neef oo geela ka guddoomay Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka, tani oo bilow u ah ballanqaadkiisii ahaa in la abaalmarin doono ciidamadii fashiliyay qaraxyada.
Sidoo kale isla gelinkii dambe ee Khamiistii ayuu 17 neef oo ari ah ka guddoomay Ururka Haweenka Dhuusamareeb, oo deeqdaasi ugu talagalay inay ku garab istaaggaan ciidamada.
Geeda-qarow ayaa sheegay in deeqdan xoolaha ah ay gaarsiin doonaan ciidamada amniga.


