Duqa Garoowe oo ka hadlay Xildhibaanka lagu weeraray magaalada

Duqa Magaalada Garoowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud (Geeddi) ayaa sheegay inuu ka xun yahay weerarkii xalay magaalada loogu gaystay Xildhibaan Cabdiqani Nuur Aw-Faarax (Dhaashane) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Kooxo hubeysan oo wejiyada soo duubtay ayaa weeraray gaari uu la socday Xildhibaanka, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa, iyadoona uu weerarkaasi ka dhacay afaafka hore ee hoygiisa. Kooxahan ayaana jirdil u gaystay Xildhibaanka.

"Waxaan ka xumahay in caasimadda jirdil loogu gaysto Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Dowladda Puntland." Ayuu yiri Duqa Garoowe.

Duqa Garoowe ayaa tani ku tilmaamay mid lagu qalqal-gelinayo amniga Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe.

"Tallaabadan waa qalqal-gelin amniga caasimadda oo hoy u ah ummadda Puntland oo dhan. Dad isugu jira masuuliyiin xasaanad leh iyo shacab ayay xudun u tahay oo ku nool." Ayuu yiri Duqa Garoowe.

Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud, Duqa Magaalada Garoowe ayaa sheegay inaanan la aqbali doonin in qof muwaadin ahi lagu dhibaateeyo magaalada, cid kasta oo falkaasi ka dambeysayna lala tiigsan doono sharciga.

"Ciddii falkaasi gaystay waxay liddi ku yihiin amniga, kala dambeynta iyo horumarkeenna. Sidaasi darteed lama ogolaanayo in qof lagu dhibaateeyo caasimadda, qof kasta oo arrintan ku caddaatana sharciga ayaa la marsiinayaa." Ayuu yiri Duqa Garoowe oo warkan ku sheegay boggiisa Facebook.