Duqa Muqdisho "Goobaha lagu caweeyo ma furnaan karaan, wixii ka dambeeyo saqda dhexe"
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta sheegay in aanay hadda ka dib furnaan karin goobaha xilliyada habeenkii lagu caweeyo ee Caasimadda Muqdisho, wixii ka dambeeyo saqda dhexe ee habeenkii amaba habeen bar (12:01am).
Gudoomiyaha ayaa ganacsatada ku booriyay in ay u hoggaansamaan awaamiirta Maamulka Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha ayaa ku celiyay in ay mamnuuc tahay isticmaalka iyo ka ganacsiga shiishadda, taabuuga, qamriga, calaqa iyo xashiishka.
Duqa Muqdisho ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii laheyd goobihii uu toddobaadkii hore xiray maamulka.
Maamulka ayaa dib u fasaxay 10 mehradood, inkastoo shuruudo la duldhigay, waxaana illaa amar dambe sii xirnaaneysa mehrad kale, taa oo ka mid ah kuwii dhawaan albaabada loo laabay.
Hadalka Duqa Muqdisho ayaa u muuqda mid uu maamulkiisu ku xakameynayo buuqa iyo isu imaatinka dhallinyarada, ee xilliyada dambe ee habeenkii ka jira goobaha lagu caweeyo ee magaalada.
Muqdisho ayaa waxaa bishii Ramadan ka bilowday hawlgal saddex weji leh, oo lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab, kooxaha ciyaal weerada/burcadda iyo dadka ka ganacsada muqaadaraadka.
Dowladda Federaalka ayaa isku dayeysa in ay gacan adag ku qabato amniga magaalada.









