Duqa Muqdisho oo saxiixay heshiis la xiriira dib u qaabeynta ilaha dhaqaalaha caasimadda
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay Caasimadda Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed, Maxamuud Cabdikariin Gabeyre.
Labada dhinac ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis is afgarad ah, lana xariira dib u qaabeynta ilaha Dhaqaalaha, Maalgashiga & Horumarinta Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir, Ciise Maxamud Guure, Gudoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud, Xasan Maxamed Jimcaale iyo xubno kale oo ka tirsan Rugta Ganacsiga.
Kulankan ayaa imaanaya, xilli Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre uu Isniintii dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka, oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyaan dalka, burburkii ka dib.
Raysal Wasaaraha oo dhiirigelinaya maalgashiga wax soosaarka beeraha dalka ayaa ganacsatada ku bogaadiyay hirgelinta warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalku uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.
Warshadda Burka oo ganacsatadu ay ka hirgelinayaan Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (loor) oo bur ah.





