Duqa Muqdisho oo sheegay in la qabqaban doono ganacsatada diidan la dagaalanka Shabaab

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan ganacsatada iyo shakhsiyaadka kale ee ka soo horjeeda dib-u-xoreynta dalka.

Gudoomiyaha ayaa sheegaya inaanan loo dulqaadi doonin ganacsatada iyo odayaasha diidan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha oo la hadlayay shacabka reer Muqdisho ayaa ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan dagaalka dalka looga saarayo maleeshiyadaasi.

Waxa uu sheegay haddii Shabaabku dib ugu soo laabtaan goobihii laga saaray inaanay markaasi amni heli doonin bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

"Waa waajib na saaran cadowga meesha uu jiro inaan kula dagaalano, maxaa yeelay haddii uu soo dhaafo meelaha uu joogo, meeshii aad ku sugeysay waa Xamar, Xamar-na nabad ku joogi mayno." Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa yiri "Marka waxaan qabaa inaan u diyaargarowno kulligeenba, yar iyo weyn, wiil iyo gabar, culimo iyo caamo, aqoonyahan iyo cid kastaba, sidii aan u bixi lahayn."

Duqa Muqdisho ayaa ku hanjabay in ay xabsiga soo dhigi doonaan ganacsatada iyo odayaasha u nugul awaamiirta maleeshiyada Shabaabka.

"Haddii hadalku shaqeyn waayo, ficilaa ku daraynaa, dad badanoo xabsiga ku jirana waad arki doontiin. Odayaal akhyaar isu haysto iyo ganacsatada waa dhuumanayaan maalin kasta, wuxuu ka cabsanaya cadowga Shabaab, adigana kaa cabsan mayo." Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Waxa kaloo uu yiri "War annagoo dowlad ah, haddii ay naga cabsan waayeen, Shabaab-na ay ka cabsanayaan waxaan tusaynaa in annagana na laga cabsan karo." 

Duqa Muqdisho ayaa intaasi ku daray "Waan ka daba gaynaynaa, qof aan ka yeelayno ma jirto Allah ayaa igu og, been idiin sheegi mayno, xabsigaa lagu urayaa, hadday iman waayaan kulamada dadkooda ay isugu imaanayaan, Shabaabaa kuu jeedo keliya ama afka la duubanayo markii meelaha la joogo, iyadoo Shabaab laga cabsanayo, dowladdiina ay ku leedahay war kaalay, ila soco, iga war qab, aan wada socono aad diiddo, cid laga yeelayo ma jirto."

Duqa Muqdisho ayaa ugu dambayn sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka ay daba-yaaqada toddobaadkan tagi doonaan furimaha dagaalka.