Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga magaalada

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga magaalada.

Shirka oo ka dhacay Xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, G/sare Mahdi Cumar Muumin, Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ujeedkiisu ahaa isla xisaabtan iyo is xogwareysi ayaa diirada lagu saaray dardargelinta sugidda amniga ee Caasimadda Muqdisho, iyadoo markaasi ay wada shaqayn dhow yeelanayaan Saraakiisha Taliska Qaybta iyo Maamulada Degmooyinka, si looga hortaggo weerarada kooxaha argagixisada, loona xoojiyo la dagaalanka kooxaha burcadda & ciyaal weerada iyo maandooriyaha.

Hawlgalkan saddexda weji leh ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo amniga magaalada, bishan Ramadan.

Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira, sidii ay wax kaga bedeli lahaayeen xaaladda amni ee magaalada.