Duqa Muqdisho oo socod ku soo maray waddada dheer ee Degmada Dayniile
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ay wehliyaan Kuxigeenadiisa Maamulka Maaliyadda iyo Siyaasadda & Amniga ayaa xalay Xarunta Degmada Dayniile kulan kula qaatay odayaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada deegaanka.
Kulanka ayaa la xiriiray sugidda amniga Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Dayniile, xilligan lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan.
Duqa Muqdisho oo kulankaasi ka hadlayay ayaa dadka reer Dayniile ugu baaqay in maamulkiisa iyo laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Muqdisho ay dhibaato ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab, ciyaal weerada iyo muqaadaraadka, ayna tahay in si wadajir ah loola dagaalamo.
"Magaaladan culeys ayaa haysto, culeyskaas haysto ayaan beryahaan waxaan rabnay inaan magaalada ka bilowno wacyigelin ku addan saddex arrin, oo aad iyo aad ummaddeena dhib ugu hayo. Midi waa midkaan Khawaarijta ah oo si guud u saameeyay ummadda Soomaaliyeed miyi iyo magaalaba, qodobka labaad waa ciyaalka burcadda ee loo baxshay ciyaal weero iyo qodobka saddexaad oo ah muqaadaraadka oo ku batay magaalada." Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Dhanka kale Duqa Muqdisho ayaa socod ku soo maray waddada dheer ee Degmada Dayniile, si loo muujiyo horumarka ka jira degmadaasi iyo in amnigeeda uu ka soo reynayo.
Tani ayaa imaanaysa, xilli dadka ku dhaqan degmadaasi ay muddooyinkii ugu dambeysay ka cabanayeen kooxaha ciyaal weerada, oo xilliyada habeenkii dadka ku baarta xaafadaha degmadaasi.