Duqayn dad ku dhinteen oo ka dhacday deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado ay duqayn ka gaysteen deegaakaasi.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha duqaynta gaystay laga leeyahay dalka Kenya, isla-markaana ay bartilmaameedsadeen guryo ku yaala deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqleen jugta illaa afar gantaal, qaarkoodna ay ku dhaceen guryo la degan yahay.
Inta la xaqiijiyay laba qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka ayaa ku geeriyooday duqaynta, tiro kalena ay ku dhaawacantay.
Mid ka mida dadka duqaynta ku geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi, kaas oo deegaanka laga garanayay.
Duqaynta ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay burbur hantiyadeed, iyadooan ay dhowr guri ku burbureen.
Ceelcadde oo qiyaastii 60km u jirta Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa maamula maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidanka Cirka Kenya ayaa inta badan duqaymo ka gaysta deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan gobolkaasi.












