Duqayn ka dhacday Gobolka Baay oo bar kontorool lagu bartilmaameedsaday

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay ay duqayn xoogan ka dhacday deegaanka Ceel Bashiir, oo 30km dhanka koonfureed kaga beegan Degmada Buurhakaba ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha saaxiibada caalamiga ay bartilmaameedsadeen bar kontorool oo maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi. 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Maqribnimadii xalay ay maqleen dhowr jug oo is xigxigtay.

Deegaanka ay duqayntu ka dhacday oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Buurhakaba iyo deegaanka Jameeco ayaa ka mid ah goobaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Shabaabka.

War ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaankaasi, balse warka laguma sheegin nooca uu hawlgalku ahaa.

Dadka deegaanka ayaase sheegaya inaanu jirin hawlgal dhanka dhulka ah, marka laga soo taggo weerarka dhinaca cirka ee deegaankaasi ka dhacay.

Warka Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay toban ka mida maleeshiyadaasi.

"Goobta hawlgalku ka dhacay waxa ay ahayd isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadaneysay lacago baad ah, iyaga oo maalmihii dambe u isticmaalayay in ay ku cunaqabateeyaan shacabka ku nool Gobolka Baay." Ayaa lagu yiri warka.

Saaxiibada caalamiga oo Mareykanku ugu horreyo ayaa Dowladda Federaalka ka taageera duqaymaha cirka ee ka dhanka ah madaxda iyo maleeshiyada Al Shabaab.